Saturday, August 22, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Magaalada Brussels ee dalka Belgium waxaa lagu soo gabagabeeyay wadahadala xuquuqda aadanaha ee sanadlaha ah ee dhex mara Midowga Yurub iyo Midowga Africa si kor loogu qaado difaacitaanka xuquuqda aadanaha. Kulankan oo dhacay 9ka ilaa 12ka October ayaa ahaa midkii 14aad ayaa ugu horeyn waxaa kulmay xubno 50 qofood kor...
Iyadoo maanta loo baroordiiqay dadkii ay wax yeelladu ka soo gaartay Qaraxii 14kii October ee sanadkii hore ee ka dhacay Isgoyska Zoobe, ayeey dowladda Soomaaliya waxaa ay ballanqaad u sameysay carruurtii ku agoontowday qaraxa Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xassan Cali Khayre oo ka qayb galay munaasabadda xasuusta qaran...
Maxkamadda Millatariga Soomaaliya ayaa saakay fagaaraha Iskool Buluusiya ee degmada Xamar Jajab waxa ay ku toogatay Xasan Aadan Isaaq Cali oo lagu eedeeyay inuu waday gaari NOAH-ah oo ciidamada ammaanka ay ku qabteen xaafada Buula Xuubey ee degmada Wadajir, maalinkii uu dhacay qaraxii Zoobe, 14-kii October 2017. Maxkamadda ciidamada qalabka...
Waxaa saakay inta badan xiran oo aan loo ogoleyn in ay adeegsadaan gaadiidka dadweynaha jidadka magaalada Muqdisho, iyadoo maanta ay ku beegan tahay 14ka October oo loo baroor diiqayo dadkii ku dhintay Qaraxii sanadkii hore ka dhacay Isgoyska Zoobe. Ciidamada ayaa dadka lugeynaya baaris dheeraad ah ku sameynaya, halka gaadiidka...
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Xukuumadda inay si deg deg ah gargaar caafimaad u gaarsiiso dhaawacyada culus ee sida bahalnimada leh argagixisada Alshabaab ay qaraxyo kula beeegsadeen magaalada Baydhabo. Madaxweynaha oo tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dadkii ku dhintay qaraxyada ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay...
Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) oo mudo looga fadhiyay dhismaha golaha wasiirada Galmudug ayaa soo gudbiyay liiska 25 wasiir oo aan laheyn wasiiro kuxigeeno. Magacaabista ayaan imaneysa xili uu jiro khilaaf wali u dhaxeeya madaxda dowlad gobolleedka Galmudug, waxaana ka maqan magaalada Dhuusa-Mareeb oo ay magacaabistan ka dhacday...
War goor dhaw soo baxaya ayaa sheegaya in Xusseen Cismaan Xusseen goor dhaw iska casilay xilkii taliyaha hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya. Qoraal la soo dhiggay bogga Twitter-ka hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in taliyaha uu isku casilay arrimo isaga u gaar ah oo aan faah faahin guud laga...
Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in qaraxyo is xigxigay ka dhaceen maqribnimadii caawa magaalada, iyadoo qarax hore lagu weeraray hotel lagu magacaabo Bilan. Qaraxa labaad oo ahaa mid uu fuliyay qof naftii-hure ah ayaa lagu qaaday Maxaaqi lagu magacaabo Bader oo ku taala bartamaha...
Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa siweyn uga soo horjeestay go’aamadii ugu danbeeyay ee ka soo baxay Golaha Iskaashiga dowlad gobolleedyada, gaar ahaan magacaabista afhayeenka cusub ee Golaha. Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu yiri’’ Golaha Iskaashiga dowlad gobolleed-yada waxaa loo aas –aasay in uu dowladda...
Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ka socda Wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Qatar, iyagoo kulamo la leh Madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo taliska ciidamada xoogga dalka. Sida ay sheegayaan wararka Wafdigan ayaa markii ay soo gaareen magaalada Muqdisho loo galbiyay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga. Lama shaacin ujeedada socdaalka wafdigan iyo cida hoggaamineysa...