Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa shaaciyay howlgal lagu furayo jidad muhiim u ah gargaarka Bani’aadannimo deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.
Gaar ahaan jidadka leysku furayo ayaa isku xira degmooyinka Beledweyne iyo Jalalaqsi oo ay adagtahay xiligan in leysaga gudbo, waxaana howlgalkan uu muhiim u yahay...
Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusa-Mareeb ee gobolka Galguduud ayaa sheegay uu soo ifbaxayo khilaaf xooggan oo ka taagan magacaabista xubno Gole Wasiiro cusub oo Galmudug yeelato.
Wararku waxaa ay sheegayaa in xildhibaanno ka gadooday habka magacaabista Golaha cusub ee Wasiirradda Galmudug qorsheynayaa in ay baarlamaanka horgeeyaan mooshin ka dhan...
Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka mid noqtay Golaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey sida ay warbaahinta u faah faahisay safiirka Soomaaliya u joogta xarunta Qaramada Midoobey ee Xuquuqda Aadanaha ee magaalada Geneva Faadumo Cabdullaahi Insaaniya.
18 waddan ayaa laga soo xushay qaaradda Afrika, Aasiya, Yurub, Latin America iyo galbeedka...
Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya,Maxamed Xayir Maareeye oo ku sugan dalka Turkiga ayaa sheegay xukuumadda Ankara inay dooneyso siddii wax soo saarka Soomaaliya loogu iibgeyn lahaa suuqyada Turkiga,kaddib kulan gaar ah oo uu la qaatay dhiggiisa dalka Turkiga.
Maareeye oo dalka u jooga ka qaybgalka shir weynaha madasha ganacsiga Afrika...
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa dhagax dhigay dhismaha cusub ee ballaadhinta dekedda iyo Free Zone-ka Berbera.
Munaasibad ballaadhan oo loo qabtay xaflaadaasi dhagax-dhigga ah ayaa waxa ka soo qaybgallay Wasiiro, Xildhibaano, Madax-dhaqameed iyo marti sharaf kale ka timid dalalka jaarka iyo waddo kale oo lagu soo...
Dowladda Soomaaliya ayaa dib xoriyaddooda ugu celisay saddex dhallinyaro ah oo lagu soo xirey howlgal gaar ah oo ciidamo ka tirsan dowladda ay fuliyeen beerta madaxweynihii hore ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan oo ku taalla degmada Jannaale ee gobolka Shabeellaha hoose.
Cabdilaahi Xaaji , oo ah Aabbaha dhalay labo ka...
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maalintii Saddexaad booqasho rasmi ah ku jooga dalka Boqortooyada Sacuudiga, isaga oo kulamo kala duwan halkaa kula leh madaxda ugu sareysa dalkaasi oo uu ka mid yahay Boqor, Salmaan binu Cabdulcasiis.
War Qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaare Kheyre...
Boqollaal askari oo ka tirsan ciidanka Itoobiya ayaa Arbacadii socod ku tagay xafiiska Ra'iisul wasaaraha dalkaas ee magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa ayagoo dalbanaya in mushahaarka loo kordhiyo,sida ay baahisay warbaahinta dowladda.
Ciidamadan oo ah kuwo siggaar ah u tababaran ayaa loo oggolaaday in ay hor tagaan xafiiska Ra'iisul...
Shirkii dib u eegista dastuurka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya oo ka socday saddex maalin magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa la soo gabagabeeyay,iyadoo laga soo saaray war-murtiyeed.
Shirka ayaa muddada uu socday waxaa ka qaybgalay guddiyada dastuurka ee Heer Federaal iyo Heer maamul gobolleed, waxaana la tashi lagala sameynayay guddiyada...
Al-shabaab ayaa sheegay in ay meel fagaaro ah ku dileen Cawaale Axmed Maxamed oo 32 sano ah jir ah, waxaa ay sheegeen in uu Basaasayay Cawaale Sirdoonka Britain, MI6.
Cawaale iyo afar kale oo dhalinyaro ah ayeey maalintii shalay Al-shabaab ku toogteen meel fagaaro ah degmada Jilib ee gobolka Jubbada...


















