Saturday, August 22, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Madaxweynaha dowladda Mareykanka Donald Trump ayaa dhaliilay eedeynta soo kordheysa ee loo jeedinayo dalka Sacuudi Carabiya ee ku aaddan wariyihii la waayey ee Jamal Khashoggi. Trump oo la hadlay wakaalada wararka ee Associate Press shaley ayaa sheegay in aadan danbiile ahayn, illaa dambi lagugu helo, isaga oo u duurxulayo dadka...
Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa sheegaya in galinkii dambe ee Isniinta maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Garoowe Isimmada ka soo jeedda gobolka Sool inuu fashil ku dhammaaday, sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen xubno shirka ka qaybgalay. Kulanka ayaa ujeedadiisa lagu sheegay wada-tashi ay Isimmadu ku...
Shalay waxaa magaalada Muqdisho laga xusay sannad guuradii koowaad ee qarixii Soobbe ee 14-kii Oktoobar, kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 500 qof, qasaare kale oo intaas ka badana uu ka dhashay oo naf iyo maalba leh. BBC-da oo wadday taxane looga hadlayo qaraxaas iyo qasaarihii uu geystay...
Dowladda Soomaaliya ayaa garab istaaggeeda dhammeystiran u muujisay dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya.War saxaafadeed afka Carabiga ku qornaa oo ay baahisay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lugu xaqiijiyay taageerrada. “Xukuumadda Soomaaliya waxaa ay markale ku celinaysaa mowqifkeeda sugan ee taageeraya degganaanshaha iyo qarannimada dalalka Carabta, waxayna ku dhawaaqeysaa garab istaaggeeda dhammeystiran ee...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la kulmay dhallinyaro qayb ka ahaa colaaddii sokeeye ee ka jirtay magaalada Marka ayaa sheegay in maanta laga bilaabo dhaqan celin loo sameeyo dhallinyaradan, si ay uga mid noqdaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa bogaadiyey sida ay uga go’an tahay...
Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo wafdi uu horkacayo ayaa goor dhaw gaaray magaalada Jowhar ee xarunta  maamul gobolleedka Hirshabeele. Wafdiga ra'iisal wasaaraha waxaa garoonka diyaaradaha Jowhar ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta ugu sareysa Hirshabeelle e oo uu horkacayo madaxweyne Maxamed Cabdi Waare. Kheyre ayaa lagu wadaa in uu dhagaxdhiggo...
  Gabdhahan oo la waayay habeenimadii Jimcaha ayaa la sheegay in ugu danbeyntii meydkoodii laga helay Haro ku taalla duleedka magaalada Chaska ee gobolka Minnesota, iyadoo gabdhaha mid laga dhex helay maydkeeda gudaha gaariga gabadha kalena biyaha dhexdooda. Wararku waxaa ay sheegayaan in gaari ay wateen labadan Gabdhood sida la sheegay...
Madaxda ugu sareysa ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inay ka qeyb galaan munaasabad lagu furayo kalafadhiga Afaraad ee xubnaha baarlamaanka Aqalka Sare. Kalfadhigan ayuu qorshuhu ahaa in uu furmo 10-kii September ee sanadkan, balse dib ayuu u dhacay kadib markii xubnaha Aqalka Sare ay ka soo dareereen...
Dagaal culus oo leysku weydaarsaday hub kala duwan ayaa ku dhaxmaray aroornimadii hore ee saakay ciidamada dowladda iyo Al-shabaab deegaanka Deynuunaay 26-KM u jira magaalada Baydhabo. Dagaaalamayaal ka tirsan xoogagga Al-shabaab ayaa subaxnimadii hore ee saakay weerar culus ku qaaday ciidamada dowladda ee fariisinka ku leh halkaa, waxaana bilaawday dagaal...
Xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo midawga Yurub ayaa maanta kala saxiixsay €100 milyan (Boqol milyan oo Yuuro) oo midawga Yurub si toos ah ugu taageerayo miisaaniyadda dawladda. Heshiiskaan oo lagu saxiixay munaasabad lagu qabtay xafiiska ra’iisul wasaaraha uuna goob joog ka ahaa ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa waxa uu dhigayaa...