Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya,Monica Juma, kulan doceed dhinac socda Shirka gaarka ah ee 20aad ee Golaha Fulinta ee Midowga Afrika oo ka furmay Addis Ababa.
Intii kulanku socday ayaa labada dhinacba waxa ay muujiyeen rajo wanaagga wadahadalka dhexmaray,Dalalka Soomaaliya,Ethiopia,iyo Eritrea In Kastoo Dawladda Kenya ay Muujisay Walaac La Xiriira Iskaashiga Dalalkaas,Maadaama aaney Qayb ka Aheyn Wada Hadalada ay Yeesheen Dalalka Geeska Afrika.
Labada dhinac waxay carabka ku adkeeyeen muhiimadda uu leeyahay kulankooda oo diirrada lagu saarray xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo horumarinta iskaashiga oo dhinac kastaba leh, iyada oo loo sii marayo Guddiga Iskaashiga Wadaagga ah ee Soomaaliya iyo Kenya, si la mid ah waxaa fadhiggaasi lagu faaqiday arrimaha ammaanka iyo nabadgelyada Geeska Afrika iyo howlgalada AMISOM.












