Qoraal ka soo baxay hanta dhowrka guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Cali Afgooye ayaa lagu muujiyay walaaca uu ka qabo qoraalka ka soo baxay guddiga maaliyada Golaha Shacabka ee wax is daba marinta lagu eedeeyay Wasaarradda Maaliyada iyo maamulka gobolka Banaadir.
Qoraalka oo ahaa mid loo diray guddoonka Golaha Shacabka dhinaca kalana lagu ogeysiiyay madaxweynaha ayuu ku sheegay hanta-dhowrka Qaranka in dhammaan warqada Guddiga shaaciyay ay ka soo hormareen waqtigooda, isla markaana aanay jirin talo ama xog hubin ah ay ka soo dalbadeen xafiisyadii u igmanaa howlahan inta aanay soo bandhigin qoraalkooda.
Qoraalka ayaa u dhignaa sida :













