Friday, August 21, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Gudoomiyaha golaha Shacabka Soomaaliya oo maalmihii lasoo dhaafay dalka dibadiisa safar ugu maqnaa ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, waxaana gudoomiyaha Muqdisho kusoo dhaweeyay Xildhibaano isugu jira Muxaafid iyo Mucaarad. Sida aan Wararka ku heleyno Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa maanta markii uu Muqdisho kusoo laabtay u muuqday mid...
Kulan xasaasi ah oo u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya , Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo kuxigeenadiisa iyo Ra’isul Wasaaraha dalka ayaa caawa ka socda xarunta Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan aqalka Madaxweynaha. Sida aan wararka ku heleyno kulanka caawa ka socda Madaxtooyada ayaa looga arinsanayaa arimo xasaasi ah ay kamid tahay sidii xal...
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ku sugan dalka Turkiga ayaa markii ugu horeysey ka hadlay kala diristii guddiga Maaliyada iyo Miisaaniyada Baarlamaanka. Guddoomiyaha ayaa ka war-wareegtay su’aal aheyd sida uu u arko tallaabadii uu ku kala diray guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Baarlamaanka, isaga oo ku gaabsaday...
  Ra’iisul wasaaraha Britain Theresa May ayaa sheegtay in dilkii magaalada Istanbul loogu geystay wariye Jamal Khaashuqji, ay kala hadli doonto dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga Amiir Mohamed Bin Salman, marka ay ku kulmaan shir madaxeedka G-20 ee ka furmaya dalka Argentina. Iyada oo saaran diyaarad usoo wadday magaalada Buenos Aires ayay Theresa...
Iyadoo dowladda federaalka Soomaaliya maanta magaalada Baydhabo u dirtay ciidamo Booliis ah ayaa waxaa arintaa siweyn uga soo horjeestay kuna tilmaamay in ay fara-galin tahay xildhibaanno ka soo jeeda maamulka Koonfur Galbeed. Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka lagana soo doorto Koonfur Galbeed ayaa...
Diyaarad siday ciidamada Booliiska sida gaar ah u tababaray ayaa goor dhow ka degtay magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, iyadoo ciidamadan ay dirtay dowladda Federaalka Soomaaliya. Sida ay sheegayaan wararka diyaaradan ayaa siday ku dhowaad boqol askari, oo ah ciidamada booliska ee sida gaarka ah u tababaran. Goobjoogayaal ku sugan Baydhabo...
Waxaa Magaalada Mandheera ee Waqooyi Bari dalka Kenya ka soconeysa qabanqaabadii ugu dambeysan ee ku aaddan bandhigga Toddobaadka dhaqanka Soomaalida oo halkaasi ka dhici doona dhawaan. Bandhig dhaqameedkan ayaa lagu marti qaaday dhammaan Bulshada ku hadasha Afka Soomaaliga ee degta Gobolka Geeska Africa, si ay halkaasi ugu debaal degaan isla...
Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in si loo ilaaliyo midnimada umadda Soomaaliya muhiim tahay dardragalinta wada hadalladii lala lahaa Somaliland oo sheegtay in Soomaaliya inteeda kale ka go’day 1991kii. Wasiir ku-xigeenka Wasaarradda Batroolka Xukuumadda Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in kulankii shalay ee Golaha Wasiirradda looga dooday qodobkan la xiriira midnimada...
Xisbiyada mucaaradka ah ee WADANI iyo UCID ayaa xukuumada ku eedeeyey inay sabab u ahayd inay dib u dhacdo doorashadan goleyaasha wakiiilada iyo deegaanka. “Qabashada doorashada waxay saaran tahay xukuumadda wayna ka gaabisay, sideed bilood ka hor ayaanu u gudbinay cabashadayada iyo in aanay gudidan doorashooyinku qaban Karin doorashada”ayuu yidhi...
Ciidanka amniga Galmudug ayaa maanta soo bandhigay dhisme ay sheegeen  inay degganayeen raggii fuliyay weerar Isniintii toddobaadkan lagu qaaday xarun uu Koonfur magaalada Gaalkacyo ka degganaa Waddaad lagu magacaabo Cabdiwali Cali Calmi Yare. Taliye ku-xigeenka Ciidammada Booliska Galmudug,Cabdi Jaamac Cabdulle (Xabeeb) ayaa sheegay in gudaha guriga ay ku arkeen raadad...