War Saxaafadeed Kasoo Baxey Wasaaradda Arrimaha Debedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa Waxaa Lagu Sheegey In Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Lagu Wargeliyey in Wakiilkiisa Gaarka ah ee Soomaaliya Nicholas Haysom Aan Soomaaliya Laga Rabin Uusana Ka Shaqeyn karin,iyadoo Wasaaraddu Cuskatey Heshiisyada Dublamaasiyadeed ee Caalamiga ah.
Nicholas Haysom ayaa Dawladda Federalku Waxe Ku Eedeysey Faragelin Arrimaha Gudaha Soomaaliya Kadib Markii uu soo Saarey Qoraal uu kaga Dalbanayo Xukuumadda uu Hugaamiyo R/W Xasan Cali Khayre in ay Faah-faahin ka Bixiso Xarigii Sheekh Muqtaar Roobaw Abu Mansuur iyo Dhacdooyinkii ka Dhacey Magaalada Baydhabo 13-15 Dec ee Sanadkii 018 Taas oo Xukuumadu u Aragto In uusan Xaq u Laheyn.
Khilaafkan Soo Kala Dhexgaley Dawladda Federalka iyo Qaramada Midoobey Ayaa Kusoo Beegmaya Xilli Maanta La Duqeeyey Madaafiicna Lagu Weerarey Xarunta Qaramada Midoobey ay ka Degentahey Magaalada Muqdisho,Majiraan Wax War ah oo kasoo Baxey Wakiilka Q/M ee Soomaaliya Nicholas Haysom Taas oo La Xiriirta Wargelinta Dawlada Soomaaliya ay u Dirtey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey,Lamana Oga Waxa uu Ku Danbeyn Doono Khilaafkani Hada Soo If-baxey.
Dadka Siyaasadda Indha-Indheeya ayaa Sheegaya In Hugaanka Xilligan ee Soomaaliya uu Hareeyey Khilaafyo Meelo kala Duwan uga Imaanayo,kuwaasoo Hadkad ku Keenay Hawl Maalmeedkii Qaranka ayna wajihi Karaan Dib u dhac kale iyo Dagaal Dublamaasiyadeed oo Debedda uga Furma.










