Thursday, August 20, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Saraakiisha maamulka dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in ciidamada amniga gacanta ku dhigeen hub iyo walxaha Qaraxa. Qarax-yadda ayeey sheegeen saraakiishu in ay u badnaayeen miinooyin, waxaana la doonaayay in lagu weeraro xarumo ku yaalla Magaalada Jigjiga, sidda ay sheegeen saraakiisha ciidanka booliska dowlad degaanka Soomaalida. Taliyaha ciidamada Booliiska dowlad deegaanka...
Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa tacsi u diray dhammaan Qoysaska iyo Shacabka Soomaaliyeed ay ka shahiideen General Cumar dheere oo ahaa taliyihii qeybta 12April iyo Abaandullaha qeybta 12April ee ciidanka xoogga dalka General Cabdi Cali Jamaame kuwaasi oo shalay ku geeriyooday qarax miino...
Taliyaha ciidamada Boliiska Soomaaliyeed,Sarreeye Gaas, Bashiir Cabdi Maxamed, oo safar shaqo ku jooga dalka Jabuuti ayaa tababar ugu soo xiray halkaasi Cutubyo ka tirsan Boliiska Soomaaliyeed. Tababarkan oo soconayay muddo Saddex Bil ah, ayeey ciidanku ku qaadanayeen dugsiga tababarka Booliska dalka Jabuuti ee Idiris Faarax Habane,iyagoo baranayay casharro ay ka...
Madaxweynaha  dowladda Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Taliyihii, Abaanduulihii iyo askar ka tirsan Qaybta 12-ka Abriil ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed kuwaas oo ay miino dhulka lagu aasay kula qaraxday meel u dhaw deegaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeellaha Hoose. “Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun....
Taliyihii qeybta 12-ka April ee ciidanka xoogga dalka Jen. Cumar Aadan Dhabad (Cumar Dheere) iyo saraakiil kale ayaa lagu dilay qarax miino oo waddada dhinaceeda la dhigay,sida ay ku warrantay warbaahina gudaha.   Wararka ayaa intaa ku daraya in qaraxa uu sidoo kale ku geeriyooday Abaanduulaha qeybta 12-ka April Jen. Cabdi...
Madaxweynaha dalka Eritrea,Isaias Afeworki ayaa dhawaan booqanaya dalka Jabuuti, sida laga soo xigtay wasiirka arrimaha dibadda dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf. Labada dal ayaa muddooyinkii dambe xiriir heer sare ah sameynayay, kaddib markii Itoobiya ku talisay inay heshiis ka gaaraan khilaafka u dhaxeeya ee salka ku haya muran dhanka xaduudda. "Ma...
Waxaa dalka Sweden goor dhow wada hadal uga furmay dhinac-yada isku haya dalka Yemen, waxaana khudbad daah fur ah halkaasi ka jeediyay ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Yemen Martin Grithifs. Martin ayaa sheegay in mustaqbalka dalka Yemen uu gacanta ugu jiro kooxaha isku haaya dalkaasi ee lagu...
Guddoomiye ku-xigeenka Arimaha Bulshada maamulka Gobalka Banaadir ,Basmo Caamir oo warbaahinta la hadashay ayaa digniin u dirtay Ganacsatada degmada Xamarweyne, kaddib kormeer ay ku tagtay Suuqa degmada. Guddoomye Basmo ayaa sheegtay in marnaba aan la aqbali doonin in ganacsatada Degmada Xamarweyne ay qashinka ay qubaan haddana ay ku dul ganacsadaan...
Guddigii uu dhawaan magacaabay, madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ee xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamaanka ayaa maanta soo saaray shuruudaha laga rabo xubnaha ka mid noqonaya Baarlamaanka cusub ee Puntland. Guddiga oo xiganaya qodobka 61-aad ee dastuurka Puntland oo qeexaya shuruudaha lagaga mid noqon karo golaha wakiilada Puntland, ayaa...
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ,Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa ku wajahan magaalada Kismaayo ee xarunta kumeelgaarka ah ee dowlad-gobolleedka Jubbaland. Guddoomiyaha socdaalkiisa ayaa la xiriirta arrimaha ku aaddan dadaalladii Golaha Aqalka Sare ay ugu jireen xallinta khilaafka soo kala dhex galay Dowladda iyo maamul-goboleedyada. In uu ku wajahan...