Gudiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xafiiska Diiwaangelinta Xisbiyada Madax ka Tirsan oo Maalintii 4’aad Kormeer Ku Tagey Xarumo Xisbiyo.

0
79

Gudiga Madaxa Banaan oo Ay Horkaceyso Gudoomiyaha GMDQ Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliima Yareey) iyo Xubno Ka Socdey Xafiiska Diiwaangelinta Xisbiyada Ayaa Maalintii Afaraad Waxey Kormeer Ku Tageen Xarumo Xisbiyo Siyaasadeed uu Kamid ahaa Xisbiga Shaqaalaha Soomaaliyeed Iyadoo ay Halkaasi Kula Kulmeen Madaxda Xisbigaas uuna Hormuud u Ahaa Gudoomiye Kuxigeenka Xisbiga Beelley iyo Wakiilka G/banaadir ee Xisbiga Evlia Ibraahim iyo Xubno kale oo Xisbiga Xilal Kala Duwan Xisbiga u Haya.

Madaxda Kormeerka oo ay Hugaamineysey Gudoomiyaha GMDQ Xaajiyo Xaliima Yarey ayaa Waxaa Kormeerka Ku Wehliyey Madaxa Xafiiska Diiwaangelinta Maxamuud Maxamed Xasan Sandheere iyo Avv. C/naasir Xirsi oo U kuur gelayey Sida Hawlaha Xisbiyadu uga Socdaan Xarumahooda Iyadoona Madaxda Xisbiga Shaqaaluhu Ka Jawaabeen Su’aalo La Weydiiyey oo La Xiriira Hawlaha Aas Aasiga ah ee Laga Rabo Xibiyada Siyaasada ee GMDQ Gudoonsiiyeen Shahaadada kmg.

GMDQ iyo Masuuliyiinta Xafiiska Diiwaangelinta Ayaa Sidoo kale Maanta Kormeer Ku Tagey Xarunta Xisbiga Dalka iyo Dadka,Xisbiga Xorriyadda Soomaaliyeed,Xisbiga Muwaadiniinta Soomaaliyeed,iyo Xisbiga Midnimo Qaran Kuwaas oo Dhamaantood Hawl Maalmeedkooda Shaqo ku Gudajirey,iyadoo Hawlaha Kormeerku Sii Socon Doona Ilaa Lawada Gaaro Xarumaha 35 Xisbi Siyaasadeed oo GMDQ Shahaadooyinka Siiyeen.

Ugudanbeyntiina Hawlaha Kormeer ee Gudiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xubaha Xafiiska Diiwaangelinta Axzaabta ayaa Maanta Kusoo Idlaadey Jawi Hagaagsan iyo Nabadgelyo Sida uu Warsom u Sheegeen Illo ku Dhaw Madaxa Xafiiska Diiwaangelinta Xisbiyada Maxamuud Maxamed Xasan Sandheere.