Ciidamada Booliiska dowladda Soomaaliya ayaa joojiyay siminaar hotelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho uga socday Xisbiga Wadajir oo ka mid ah Asxaabta siyaasada dalka.
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo goor dhaw bartiisa Facebook uga hadlay dhacdadan ayaa ku eedeeyay xafiiska madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu ka soo baxay sida uu hadalka u dhigay amarka lagu joojiyay siminaarka.
‘’Waxaa amar ka soo baxay xafiiska madaxweynaha dowladda Soomaaliya lagu xiray hotelka Maka Al-Mukarama oo maalmihii ugu danbeeyayba uu ka socda siminaar sare loogu qaadayay Aqoonta iyo Wacyiga siyaasadeed ee Kaadiriinta Xisbiga Wadajir ‘’ ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Wuxuu sheegay in wax laga xumaato tahay in ciidamada Booliiska oo loogu talagalay in ay ka shaqeeyaan nabad-galyada loo adeegsado sida uu hadalka u dhigay caburin iyo caga-jugleyn.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Laamaha Amniga dowladda Soomaaliya oo la xiriira warka ku saabsan is hortaaga siminaarka hotelka Maka Al-Mukarama Xisbiga Wadajir.
Xiriiriyaha Xisbiyada Siyaasadda Ahna Gudoomiyaha Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Cali Maxamed Nuux Timajilic oo aan arintan wax Ka Waydiinay ayaa Yiri Maahan Sax In La Hakiyo Siminaar iyo Kulamo Nabadeed oo Xisbiyadu Qabtaan Waana wax ay Xaq u Leeyihiin Sida Ku Cad Dastuurka iyo Xeerka Axzaabta,Dawladana Waan Kala Hadleynaa Waxa ay u Dhacdey Arrintaasi waana Wax Aad looga Xumaado oo aan Meesha Ku Jirin.











