Ku-simaha madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ahna guddoomiyaha Baarlamaanka Cabduqadir Shariif Sheekhu-na Maye ayaa ku baaqay in la joojiyo dibadbaxyada ka socda magaalada Baydhabo.
Waxaa uu nasiib darro ku tilmaamay in dad yar sida uu hadalka u dhigay magaalada ka sameeyaan amaan darro kuwaa oo aan marnaba raali ka aheyn ayuu...
Ra'iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda Soomaaliya ahna ku-simaha ra'iisul wasaaraha ,Mahadi Maxamed Guuleed ayaa maanta kormeeray shaqooyinka ka socda garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan ee magaalada Muqdisho.
Ku-simaha ra’iisul wasaaraha oo ay wehliyaan wasiirka duulista hawada iyo guddoomiyaha gobalka Banaadir ayaa xog-waraystay howlwadeennada garoonka.
Mahadi Maxamed Guuleed,ayaa ku ammaanay wasaaradda duulista hawada...
Golaha wasiirrada Puntland oo maanta ku shiray magaalada Garoowe ayaa sheegay si dhow inay ula socdaan xaaladda amni ee magaalada ganacsiga ah ee Boosaaso, halka oo dilal iyo weerarro ay ka dhaceen.
Golaha wasiirrada ayaa sidoo kale kulankooda uga hadlay arrimaha kala ah amniga guud, hishiiskii nabadaynta ee Jigjiga iyo...
Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa magaalada Dooxa ku kala saxiixday shan heshiis iyo saddex is-afgarad oo khuseeya arrimha maalgashiga, ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha.
Guddi farsamo oo ka socda Soomaaliya iyo Qatar ayaa lagu heshiiyay in ay ka shaqeeyaan dhamaystirka heshiisyada la kala saxiixday si fulintooda loo boobsiiyo, dadka Soomaaliyeedna dhawaan...
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar ayaa magaalada Dooxa kula kulmay dhiggiisa dalkaas, Sheikh Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani.
Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre iyo dhiggiisa Qatar, Sheikh Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani ayaa ka wada...
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo aan codkiisa la maqal tan iyo intii ay soo ifbaxday xiisada siyaasadeed ka dhalatay mooshinka ayaa ku baaqay in la dajiyo xaalada magaalada Baydhabo.
Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay waxgaradka iyo odayaasha magaalada Baydhabo in ay ka fogaadaan wax kasta oo colaad horseedi...
Gabadh Soomaali Ameerican ah oo Ku Guuleysatey Kursi Dawladaha Hoose ee Magaalo Dalka Mareykanka ah.
Deeqo Dhalac oo ah gabar Soomaaliyeed ayaa xalay oo talaado aheed ku guulaystay kursiga golaha dagaanka ee magaaladda South Portland ee gobolka Maine
Waxaa ay si aad ah uga guulaystay nin in mudo ah ku lahaa ganacsi magaaladdaa oo lagu magagacaabo Doland ,waxay deeqa heshay 1,418 cod halka isna helay 700 oo cod.
Doorashadaan waxay...
Dowladda Soomaaliya ayaa shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha siisay 32 ruqsadood oo Kalluumeysi, sida uu xaqiijiyay Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda C/llaahi Bidhaan Warsame.
Shirkadda la siiyay ruqsada ayaa lagu magacaabaa COFA oo laga leeyahay dalka Shiinaha, ruqsad bixintan ayaa ah markii u horeysay muddo 30 sano ah oo si...
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah maanta ugu ambabaxay dalka Qatar.
Ra’iisul Wasaaraha oo casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Qatar ayaa la filayaa marka uu gaaro Dooxa in uu madaxda dalkaas la yeesho kulamo ay uga wada hadlayaan xiriirka labada...
Heshiis lagu horumarinayo beeraha iyo waraabka ayaa waxaa maanta ku wada saxiixday magaalada Muqdisho Wasiirka Beeraha & Waraabka XFS Mudane Saciid Xuseen Ciid, Safiirka Dowlada Talyaaniga Danjire Carlo Campanile, Wakiilka Soomaaliya ee Hay’adda Horumarinta talyaaniga Guglielmo Giordano (Italian Agency for Development Cooperation) iyo Hay’adda Qaramada Midoobay ee Beeraha iyo...


















