Warar Dheeraad ah oo Kasoo Baxaya Hawl Gal Wali Kasocda Weerarkii Al-shabaab ay Ku Qaadeen Westland Nairobi.

0
490

Saraakiisha dowladda Kenya ayaa sheegay in ay wali la tacaalayaan sidii loo soo afjari lahaa weerarkii qorax dhicii maanta oo Talaado ah koox hubeysan ku qaadeen dhismayaal isugu jiray hoteello iyo xafiisyo dowladdeed magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Taliyaha ciidamada booliiska Kenya Joseph Boinet ayaa sheegay in Laamaha amniga si deg deg ah uga jawaabeen dhacdada, waxaana durbadiiba xirnay ayuu yiri goobta. Isaga oo intaa ku daray in ay maareeyeen xaaladda

“Waxaan ka warhaynaa in weli ay jiri karaan in dambiilayaal hubeysan ay ku dhuumanayaan dhismaha. Ciidamadeena gaarka ah ayaa sida aan sheegay ku guda jira howl-galkan si ay uga nadiifayaan. Waxaan sidoo kale ka xumahay inay jiri karaan dad ku dhaawacmay weerarka, waxaana ku guda jirnaa inaan xaqiijino heerka iyo nooc dhaawacyada” ayuu yiri taliyaha.

Weerarkaani ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, laakiin wali lama sheegin tiro rasmi ah oo la xiriira dadka wax ku noqday weerarkan.

Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarkan iyaga oo sheegay in dabley ka tirsan dagaalyahannadooda gudaha u galleen dhismaha.