Is Rasaaseyn Ku Dhexmartey Labo Shirkadood Magaalada Boosaaso oo Loo Xir-Xirey Ilaa 15 Shan iyo Toban Qof.

0
492
 
Ugu yaraan 4 ruux ayaa ku dhawaacmay is rasaaseyn la sheegay inay u dhaxeysay labo shirkadood oo korantada ka shaqeeya magaalada ganacsiga ah ee Boosaaso,sida ay mas’uuliyiinta xaqiijiyeen.
Duqa degmada Boosaaso, Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan oo ka hadlay iska horimaadka waxa uu sheegay ciidanka amniga inay xireen ilaa 15 qof oo isugu jira maamullayaasha shirkadaha,shaqaalaha iyo ciidanka ilaalada xarumaha ee rasaasta furay.
“Xaaladda way daggantahay, ciidanka ayaana xiray dhammaan dhinacyadii iska horimaadka uu u dhaxeeyay”. ayuu yiri duqa degmada Boosaaso oo inta ku daray khilaaf muddo soo jiray oo u dhaxeeyay labada shirkad ee kala ah Golis iyo Eeneeyo inuu ka dhashay iska horimaadka ka dhacay Boosaaso.
Duqa degmada Boosaaso, waxa uu sheegay in maamulka uu ku dadaallayo in shuruuc kala hagta loo helo shirkadaha ku baratamaya ganacsiga magaalada Boosaaso.