Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya Xildhibaan, Sheekh Nuur Maxamed Xassan ayaa dalka sacuudiga waxaa uga bilowday booqasho rasmi ah oo uu maalmo kujoogi doono halkaasi.
Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa sidiirran u qaabilay Wasiirka Xajka iyo Cumrada Sacuudiga Dr. Maxamed Salalax Bin Dahir Bintin, iyo Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda...
Ruux La Sheegay in uu Ka Tirsanaa Al-shabaab oo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay Dil Ku Fulisay.
Maxkamadda Ciidamada qalabka sidda ayaa goor dhow dil toogasho ah ku fulisay xubin ka mid ahaa Al-Shabaab,kaasoo horay gacanta ugu soo dhigeen Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya.
Ninkaan ayaa horay loogu xukumay dil toogasho ah, ka dib markii la horgeeyay Maxkamadda Ciidamada qalabka sidda.
Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sidda ee Soomaaliya waxaa ay...
M/weynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Max’ed C/laahi Farmaajo oo Mar Kale Eedeyn Loo Jeediyey.
Xlidhibaannadii dhawaan soo gudbiyay soo jeedintii ka dhanka ah aheyd madaxweynaha dowladda Soomaaliya, laakiin sheegay in ay ka tanaasuleen soo jeedintoodii xil ka qaadista, ,ayaa mar kale eedeyn u jeediyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xusseen Odawaa oo soo noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa madaxweynaha...
Ciiidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ayaa sheegay in ay qorsheenayaan bilaabida weeraro ay ku qaadaan goobaha ay dagaalamyaasha Al-shabaab ka suganyihiin gudaha dalka.
Hawlgaladan ay AMISOM sheegtay in lagu xoreenayo goobaha ay Al-shabaab haystaan ayaa lagu wadaa in ay bilawdaan bilawga sanadka cusub ee socda 2019.
Waana Mid Looga Bartey...
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar dhabo ah oo dagaalamayaasha Al-shabaab ku qaadeen kolanyo gaadiid ah oo la socday guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar iyo saraakiil ciidan oo ku sii jeeday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Mas’uuliyiinta oo saakay ka anbabaxay magaalada Beledweyne ayaa lagu waramayaa...
Golaha Guurtida Somaliland ayaa go’aan ka soo saaray buugii uu qoray wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guri barwaaqo oo ay muddo dheer ka cabanayeen haweenka Somaliland inay ku jirto qaybo uu wax kaga sheegayo dumar Soomaaliyeed.
Haweenka Somaliland ayaa cabashadoodda u gudbiyey shirgudoonka Guurtidda, waxaana loo magacaabay guddi ka kooban xildhibaano...
Kooxdan qaramada midoobay ka socota ayaa waxay u kuur galayaan sida uu dekedda Xudeydiyah uga hirgalay heshiiska xabbad joojinta.
Kooxdan uu hoggaaminayo General Patrick Cammaert oo uu u dhashay dalka Denmark waxay dekedda gaareen maanta iyaga oo howlahooda u kuurgelidda xabbad joojinta iyo dhinacyada magaalada ku dagaallamayay sida ay ciidamadooda...
Qaar ka mid ah dowladdaha iyo Ururadda Caalamiga ah ayaa si kulul u cambaareeyay Qaraxyadii shalay lagu weeraray Kontoroolka Tiyaatarka Soomaaliya.
Dowladdaha Carabta,kuwa Yurub, iyo dalka Mareykanka ayaa sheegay in Qaraxaasi ay aad uga naxeen,islamarkaana uu kusoo aaday xilli Amniga Caasimadda uu soo hagaagaayay.
Dowladda Mareyanka ayaa sheegtay in ay qaadi...
Dadkii Ku Dhaawacmey Qaraxyadii Tiyaatarka oo R/wasaare Xasan Cali Khayre uu Isbitaalada Ku Booqdey.
Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kale ayaa xalay saqdii dhexe wuxuu booqday qaar kamid ah isbitaaladii la dhigay dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii kooxaha argagixisadu ay shalay ku laayeen dadka shacabka ah.
Khayre ayaa dhaawacyadaasi ku booqday Isbitaalada Madiina iyo Ex-Digfeer oo la dhigay...
Wasiirka Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar saacadihii la soo dhaafay leysla dhaxmarayay oo sheegayay in la xiray.
Wasiirka oo la hadlay mid ka mid ah Warbaahinta gudaha ayaa sheegay in wararkaasi yihiin been abuur iyo dacyaad la soo abaabulay ,...


















