Weerar Loo Adeegsadey Bam Gacmeed oo Xaley Lagu Qaaday Maamulka K/galbeed Dadna Ku Dhinteen.

0
643

Rag hubeysan ayaa lagu waramayaa in ay xalay weerar ku qaadeen guri uu magaalada Baydhabo ka degenaa xildhibaan Carfo Ibaahim Aadan oo ka mid ah baarlamaanka maamulka Koofur Galbeed.

Weerarka oo loo adeegsaday Bamka gacanta laga tuuro ayaa waxaa ku dhaawacmay Saddex ruux, kuwaa soo loola cararay Isbitaalka weyn ee magaalada Baydhabo, dadka dhaawaca ah laba ka mid ah waxaa dhalay Xildhibaan Carfo, halka qofka Saddexaadna uu yahay Askari guriga ilaalo ka hayay.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxa bambaanada kaddib la maqlay rasaas xoogan oo ay ridayeen Askarta guriga joogtay, lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay rasaasta.

Xildhibaanka ayaa weerarka ku eedeeyay in ay ka danbeeyeen Kooxda Al-Shabaab, isagoo sheegay in uu ka maqnaa guriga, xilliga la weerarayay.

Xildhibaan Carfo ayaa ahaa Guddoomiyihii Guddiga Doorashada Koofur Galbeed, inkastoo markii dambe uu iska casilay.

Waa Markii ugu Horeysay ee Shaqaaqo Nuucan oo kale ah ay ka dhacdo intii uu Xilka Qabtey C/casiis Lafta Gareen iyadoo ay socoto Dib u Heshiisiin ay ku wada Dhawaaqeen Gudoomiyaha Barlamaanka Federalka iyo M/weyne C/casiis Lafta Gareen.