Maxkamad ku taalla Kenya oo sii deysay Saddex Qof oo loo haystay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.
Abdul Kibiringi, James Mwai Mwangi iyo Habiba Geeddi Hunshur, ayaa Maanta oo Jimca ah xorriyooda dib u helay, markii ay Maxkamaddu sheegtay in ay laamaha ammaanku baaritaan ka dib ku waayeen dembiyadii lagu soo eedeeyay.
Maxkamadda ayaa caddeysay in qeybta Boliiska u qaabbilsan la dagaallanka argagixisadu ay xireen Gal-dacwadeedkii ka yiillay dadka la fasaxay, laguna waayay tuhunkii ku aaddanaa in ay wax ka ogaayeen weerarkii ay Al-Shabaab ka geysatay Nairobi.
Kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa 15-kii January ee Sanadkan weerar ku qaadday dhismaha Dusit D2, ee Magaalada Nairobi, halkaas oo ay ku dhinteen inta la ogyahay 21 qof.











