Wasiirka waxbarashada waxa uu sheegay in uu kala hadlay safiirka Dowladda turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz ,xiriirka ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan kor u qaadista dhanka waxbarashada.
Waxaan manta Xafiiskeyga magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka cusub ee dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz.
Arrimaha aan ka wada hadlnay waxaa ka mid ah xiriirka ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhanka waxbarashada oo ay arday Soomaaliyeed oo ku dhaw labo kun ay wax ku bartaan dalka Turkiga.
Danjiraha dowladda Turkiga Mehmet Yilmaz, ayaa warbixin iga siiyay sida dowladda turkiga ay mar walba diyaar u tahay gacan ka geysashada horumarka Soomaaliya gaar ahaan dhanka waxbarashada.
Mehmet wuxuu ballanqaaday in dawladda Turkiga ay laban laabi doonto fursadaha waxbarasho ee la siiyo ardeyda Soomaaliyeed.











