Shirkan oo ay goobjoog ka ahaayeen wasiirka wasaaradda qorsheynta dowladda Soomaaliya, madaxda wasaaradaha qorsheynta dowlad goboleedyada iyo xubno ka socday deeq bixiyeyaasha caalamka ayaa intii uu socday looga doodayay sida looga faa’iideysan karo barnaamijkan lagu horumarin doono dhaqaalaha.
Madaxweynaha Jubbaland oo furitaankii shirka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in barnaamijkan uu yahay mid ahmiyad gaar ah u leh Soomaaliya, islamarkaana uu qeyb weyn ka qaadan doono sare u qaadidda dhaqaalaha dalka.
Waxa uu intaa ku daray in barnaamijkan looga faa’iideyn karo dhalinyarada si ay uga helaan shaqo abuur, islamarkaana uga baaqsadaan in ay ku biiraan kooxaha kasoo horjeeda dowladda.
Shirka oo intii uu socday ay saxaafaddu dibad-joog ka ahayd ayaa gabagabadii waxaa soo xiray oo khudabad ka jeediyay raysul wasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Khayre, isagoo uga mahadceliyay beesha caalamka taageerada ay la garab taaganyihiin bulshada Soomaaliyeed, waxa uu dhinaca kale sheegay in dowladda Soomaaliya uu muhiimad gaar ah u leeyahay barnamijkan lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka.












