Tuesday, June 2, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in ciidamada Masar lagu dejin doono gobolka Shabeellada Dhexe, gaar ahaan inta u dhexeysa degmooyinka Balcad iyo Mahadaay. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale beeniyay warar horey warbaahinta loogu faafiyay oo sheegayay in ciidamada Masar loo diri doono gobolka Gedo, halkaas...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysnaa oo ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo lagu dilay sadax ka mid ah saraakiisha sar sare ee kooxda u qaabilsaneyd gobolka Hiiraan. Howlgalkan ayaa ahaa mid si gaar ah ay u fuliyeen ciidanka Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee...
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn u soo dhoweysay bayaanka rasmiga ah ee kasoo baxay Jamhuuriyadda Masar oo markale adkeeysey isku-duubnida buuxda ee Masar ay la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed, iyo taageerada joogtada ah ee ay siiso dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan xasilloonida, nabadda, iyo horumarka. Qoraal rasmi ah...
Markab xamuul oo ka ambabaxay magaalada Jamnagar ee gobolka Gujarat ee dalka India, islamarkaas kusii jeeday magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa dab xooggan uu ku qabsaday xeebaha Gujarat. Markabkan ayaa la sheegay inuu siday badeecado gaaraya 950 tan oo bariis ah iyo 100 tan oo sonkor ah oo...
Wasiirkii hore ee maaliyadda Xasan Shire Abgaal oo maanta Garowe kusoo laabtay tan iyo markii looga guulaystay doorashadii madaxtinimada Puntland ee 2024, ayaa sheegay inuu Dowladda Federaalka keenayo Garowe, haddii uu madaxweyne Deni Garowe keeno mucaaradka dowladda. Xasan Shire Abgaal oo lagu tiriyo siyaasiyiinta Puntland ee xiriirka dhow laleh Dowladda...
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay ka hadlay nidaamka cusub ee dowladdiisa ku hirgalisay Barnaamijka E-visa ee maalmihii la soo dhaafay sida weyn u hadal hayeen bulshada Soomaaliyeed. Madaxweynaha oo Xalay Khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay munaasabad Xukuumadda DanQaran kusoo bandhigtay guulaha ay gaartay...
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shaaca ka qaaday in ay socdaan dadaallo siyaasadeed oo lagu xallinayo khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland, Isagoo wareysi gaar ah siinayay Telefishinka Al Arabiya, ayuu madaxweynuhu si cad u sheegay in ay jiraan kanaallo kala duwan oo lagu...
Maamulka Waqooyi Bari ayaa si adag uga hadlay waxa uu ku sheegay abaabul ciidan oo halis ku ah xasilloonida gobolka, kaas oo uu maamulku ku eedeeyay in ay wado Somaliland. Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Amniga ee maamulka Waqooyi Bari ayaa lagu sheegay in maamulkaasi si dhow ula socdo dhaq-dhaqaaqyo...
Ciidanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa sheegay inay dileen sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab, sida lagu sheegay war kasoo baxay ciidamada Uganda. Cismaan Xuseen Buune oo lagu sheegay inuu ahaa horjoogihii Al-Shabaab ee Shabeellaha Hoose, ayaa lagu dilay weerar lama filaan...
Madaxweynihii hore ee Dawladda Soomaaliya, Shariif Sheikh Axmed, ayaa si weyn uga digay in doorashooyinka qof iyo cod lagu qabto codbixiyeyaal lagu diiwaan gelinayo si khasab ah. Madaxweyne hore Shariif ayaa sheegay in ceeb iyo fool xumo weyn laga dhaxli doono haddii la qabto doorashooyin aysan xisbiyada siyaasadeed ka qayb...