Mucaaradka Dawladda Federalka Wada hadalada kula Jiray oo Sheegay in Shirkii Natiijo La’aan ku Soo Dhamaadeen.

0
169

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku shaaciyay in wadaxaajoodkii uu la lahaa Dawladda Federaalka Soomaaliya uu ku soo dhammaaday natiijo la’aan, kaddib maalmo wadahadalladu socdeen.

Goluhu wuxuu sheegay in wadahadalka uu ku galay niyad-wanaag iyo mas’uuliyad qaran, si xal loogu helo xaaladaha adag ee dalka ka jira, sida abaaraha ba’an, kala qaybsanaanta siyaasadeed, culaysyada dhaqaale iyo saamaynta isbeddellada caalamiga ah. Sidoo kale, wuxuu sheegay in uu doonayay in laga hortago hubanti la’aanta siyaasadeed islamarkaana la xaqiijiyo hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay, kuna qabsoonta waqtigeeda ka hor dhammaadka muddo-xileedka hay’adaha dastuuriga ah.

Golaha Mustaqalka ayaa ku eedeeyay xukuumadda inay sii wadday wax-ka-beddel hal dhinac ah oo lagu sameynayo dastuurka, iyadoo sidoo kale ku eedeeyay xukuumadda in ay  diidday ka-qaybgalka fadhiyada baarlmaanka in ka badan 50 xildhibaan oo Baarlamaanka ka tirsan, isla markaana la adeegsaday handadaad iyo cabsi gelin amni. Waxa kale oo uu sheegay Goluhu in xubnahooda lagu cadaadiyay dhinaca amniga iyo siyaasadda, islamarkaana warbaahinta lagu baahiyay warar sumcad-dil ah.

Qodobbada ugu waaweyn ee la isku mari waayay

Golaha Mustaqbalka wuxuu ku adkaystay in dastuurka kumeelgaarka ah ee 2012 uu yahay saldhigga sharci ee dalka, wax ka beddelkiisuna u baahan yahay heshiis qaran iyo wadatashi dadweyne oo dhab ah, iyadoo la ilaalinayo dheellitirka awoodaha federaalka. Halka, Dawladda Federaalka ay ku adkaysatay in wax-ka-beddelka aan loo joojin doonin cidna.

Sidoo kale, Golaha ayaa dalbaday in doorashooyinka Dawlad-goboleedyada ee muddo-dhaafka ah lagu qabto si waafaqsan dastuurkooda iyo mabaadi’da federaalka, halka ay xukuumaddu doonayso in doorashooyinkaasi lagu saleeyo dastuurka wax-ka-beddelkiisa la isku hayo, lana hoos geeyo guddiga doorasho ee federaalka.

Arrinta kale oo muran dhalisay ayay sheegeen in ay tahay,  in ka hor 14-ka Abriil la gaaro heshiis siyaasadeed oo ku saabsan hannaanka, jadwalka iyo maamulka doorashada Baarlamaanka Federaalka. Golaha wuxuu ku baaqay hannaan doorasho oo daahfuran, loo dhan yahay, kana matalaad ballaaran kuwii hore, halka ay dawladdu soo jeedisay in guddigu noqdo mid talo-bixin kaliya leh oo aan lahayn awood go’aan gaaris.

Go’aanka Golaha

Golaha Mustaqbalka ayaa caddeeyay in uusan oggolaan doonin wax uu ku tilmaamay “dastuur la beddelo, doorasho lagu shubto ama muddo-kororsi,” isagoo sheegay in mas’uuliyaddiisu tahay difaaca dastuurka, nidaamka federaalka iyo doorasho heshiis lagu yahay oo sharciyad leh.

Ugu dambeyn, Golaha ayaa sheegay inuu weli diyaar u yahay wadahadal dhab ah oo miro-dhal ah, si loo gaaro heshiis doorasho ka hor dhammaadka muddo-xileedka hay’adaha dastuuriga ah, isla markaana la joojiyo tallaabooyinka hal dhinac ah ee lagu beddelayo dastuurka.

More News.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo sheegay in wadaxaajoodkii Dawladda Federaalka uu ku soo dhammaaday natiijo la’aan

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo sheegay in wadaxaajoodkii Dawladda Federaalka uu ku soo dhammaaday natiijo la’aan