Madaxweyne Trump oo Weerar Afka ah ku Qaaday Ilhan Cumar iyo Rashida Tlaib Kadib Muran Dhexmaray.

0
456

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa si adag u weeraray laba xildhibaan oo ka tirsan Aqalka Wakiillada, Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib, kadib markii ay cod kaga hor yimaaddeen khudbaddii uu ka jeediyay fadhiga wadajirka ah ee Kongareeska.

Intii uu madaxweynuhu ka hadlayay adkaynta sharciyada socdaalka iyo la xisaabtanka magaalooyinka aan si buuxda ula shaqayn hay’adaha federaalka, ayay labada xildhibaan ku qayliyeen, iyaga oo ku eedeeyay in maamulkiisu mas’uul ka yahay dhimashada muwaadiniin Maraykan ah. Waxay si cad u yidhaahdeen: “Waxaad dishay dad Maraykan ah!”

Ilhaan Cumar, oo ka tirsan jaaliyadda Soomaalida Maraykanka isla markaana matasha Degmada 5aad ee gobolka Minnesota, iyo Rashida Tlaib oo ah haweeneydii ugu horreysay ee asal ahaan Falastiini ah ee loo doorto Kongareeska, ayaa hore u cambaareeyay hawlgallada adag ee lagu qabqabanayo muhaajiriinta. Bishii Janaayo ayaa laba muwaadin oo Maraykan ah lagu dilay gobolka Minnesota, xilli ay ka mudaharaadayeen hawlgallo ay wadeen saraakiisha socdaalka.

Trump ayaa farriin uu ku baahiyay bartiisa Truth Social ku tilmaamay labada xildhibaan kuwo u dhaqmay si aan habboonayn, isaga oo ku eedeeyay inay waxyeello u geysanayaan dalka. Wuxuu ku dooday in “dib loogu celiyo halkii ay ka yimaaddeen sida ugu dhaqsaha badan,” hadalkan oo abuuray dood ku saabsan cunsuriyad iyo kala sooca uu bulshada ku hayo Maamulka Trump.

Ilhaan Cumar ayaa dhankeeda ku sheegtay qoraal ay baraha bulshada ku daabacday in ay ku khasbanaatay inay xusuusiso madaxweynaha mas’uuliyadda ka saaran dhimashada laba ka mid ah dadkii ay matalaysay. Waxay sheegtay inay ku adkaysanayso hadalkeedii.

Rashida Tlaib ayaa iyaduna ku tilmaantay hadallada madaxweynaha kuwo muujinaya dulqaad la’aan, iyadoo sheegtay in aanu u adkaysan karin “laba haween ah oo Muslim ah oo si toos ah ula hadlaya oo saxaya.”

Mudaharaadka ka dhacay gudaha Aqalka Wakiillada ayaa muujiyay kala qaybsanaanta siyaasadeed ee sii xoogaysanaysa, gaar ahaan marka laga hadlayo arrimaha socdaalka iyo xuquuqda muhaajiriinta. Sidoo kale, xildhibaan Dimuqraaddi ah oo lagu magacaabo Al Green ayaa laga saaray hoolka kadib markii uu kor u taagay boodh uu ku muujinayay diidmo la xidhiidha hadallo hore oo cunsuriyad lagu tilmaamay.

Dhacdadan ayaa mar kale iftiimisay heerka ay gaadhsiisan tahay xiisadda siyaasadeed ee ka dhex aloosan xisbiyada Maraykanka, iyada oo doodaha ku saabsan socdaalka iyo sinnaanta ay sii hurinayaan khilaafka taagan.