Friday, July 24, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay xayiraad cusub oo lagu adkeynayo safarka dadka da’doodu ka yar tahay 30 sano, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu xakameynayo tahriibka iyo ka ganacsiga dadka ee gobolka kusii kordhaya. Wasaaradda Howlaha guud iyo gaadiidka ee maamulka Waqooyi Bari  ayaa sheegtay in go’aankan...
Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya ayaa Sabtidii maanta si rasmi ah u bilaabay bixinta kaararka codbixinta ee caasimadda Muqdisho, taas oo astaan u ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka qabashada doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee magaalada muddada dheer wajahaysay colaado, barakac iyo hubanti la’aan siyaasadeed. Bixinta kaararka ayaa si habsami leh...
Xisbiga Kulmiye ee Somaliland ayaa soo dhaweeyay  Ururka Caalamiga ah ee Duulimaadyada (IATA)  oo sheegay in marka aad ka dagayso garoomada Hargeysa iyo Berbera lagaaga baahanyahay fiisaha ay Somaliland bixiso, inkasta oo uu sidoo kale xusay in guud ahaan Soomaaliya layskaga baahanyahay fiisaha danabaysan ee dowlada federaalka Soomaaliya. War-saxaafadeed uu...
Ciidanka Booliska Puntland ee Gobolka Mudug ayaa sheegay in haweeney lagu magacaabo Hodan Maxamuud Diiriye, oo 34 jir ah ay qiratay dilka Saabiriin Saylaan Cabdulle, oo 14 jir ah. Eedeysanaha ayaa dhawaan gacanta lagu soo dhigay markii maydka gabadhaan xogteeda la helay, waxaana booliisku uu sheegay in la horgeyn doono...
Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa soo saartay digniin rasmi ah oo ku saabsan suurtaglnimada in kooxaha burcad internet-ka ay dhex-galeen nidaamka dal-ku-galka danabaysan (E-Visa) ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Safaaradda ayaa sheegtay in ilo kala duwan oo lagu kalsoon yahay ay 11-kii November 2025 xaqiijiyeen suurtagalnimada weerarka burcada, taas oo keentay...
Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa u diray baaq nabadeed oo degdeg ah oo ku socda bulshada ku dagaallamaysa degmada Wala-weyn ee gobolka Shabeellaha Hoose. Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay rabshadaha toddobaadkii lasoo dhaafay ka dhacay Wala-weyn kuwa “aan la aqbali karin”, isaga oo ku adkeystay in...
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa wareysi uu siiyay CNBC Carabiya ku sheegay in Soomaaliya ay gaartay horumar la taaban karo oo dhinaca dhaqaalaha ah sanadihii ugu dambeeyay, inkastoo ay jiraan caqabado cusub oo ka dhashay hoos u dhaca ku yimid caawimada horumarineed ee ay bixiyaan deeq-bixiyeyaasha waaweyn. Wasiirka...
Taliska Daraawiishta Jubbaland ee degmada Doolow ayaa soo saaray amarro cusub oo ku socda bulshada ku nool degmada iyo deegaannada ku hareeraysan, kuwaas oo lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida guud ee deegaanka. War-saxaafadeedka ka soo baxay taliska ayaa ka koobnaa qodobo dhowr ah sida in Gaadiidka ku shaqeeya beeselka La...
Qareen Kenyan ah oo lagu magacaabo Phoebe Okowa ayaa Arbacadii loo doortay garsoore ka tirsan Maxkamadda Caalamiga ah ee caddaaladda (ICJ), si ay u buuxiso booskii uu banneeyay Abdulqawi Yusuf oo u dhashay Soomaaliya, kaas oo iscasilay isagoo xilka ka degay 30-kii Sebteembar. Okowa waxay shaqada hayn doontaa inta ka...
Dowladda Boqortooyada Ingiriiska (UK) ayaa soo saartay warbixin cusub oo ku saabsan socdaalka Soomaaliya, taas oo ay muwaadiniinteeda ku wargelisay inay qaataan dal-ku-galka danabaysan ee Soomaaliya oo Somaliland ku jirto lakiin marka ay u socdaan magaalada Hargeysa looga baahanaan karo in ay markale garoonka ka qataan dal-ku-galka Somaliland, halka...