Madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheikh Maxamuud, ayaa cafis guud u fidiyay xubnaha kooxda Al-Shabaab, isaga oo si gaar ah ugu baaqay dhallinyarada la marin-habaabiyay ee ku jira safkooda inay isa soo dhiibaan si nabad ahna dib ugu dhex milmaan bulshada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku booriyay dagaalamayaasha Alshabaab inay si buuxda uga tanaasulaan fikradaha xagjirka ah, kuna soo laabtaan deegaannadooda iyo ehelladooda.
Madaxweynuhu wuxuu u ballanqaaday in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u dammaanad qaadayso in qof kasta oo si iskiis ah uga baxa ururkaas uu heli doono nabadgelyo iyo cafis buuxa.
Go’aanka madaxweyne ayaa imaanaya xilli ay dowladdu sheegtay in ay ka waddo dalka howlgallo ka dhan ah Alsabaab. Warbixinno sirdoon ayaa xaqiijinaya in kooxda ay wajahayo dhibaato dhaqaale oo culus oo gudaha ah, taasoo ku qasabtay hoggaankooda inay dhimaan mushaharka la siiyo dagaalamayaasheeda, sida ay dowladdu sheegtay.
Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in cafiskan ay u aragto tallaabo istiraatiiji ah oo siinaysa fursad degdeg ah oo ay kaga baxaan xubnaha niyad-jabsan.
Waxay ku tilmaamtay qorshe lagu dardargelinayo in xubno badan ka goostaan Alshabaab, si loo wiiqo awooddeeda howlgal iyada oo aan xabbad la ridin.












