Wasaaradda Amniga ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa digniin u dirtay dhammaan shirkadaha duulimaadyada ka hawlgala deegaannada maamulka, iyadoo uga digtay in ay hub iyo ciidamo qaadaan iyaga oo aan oggolaansho rasmi ah ka haysan Wasaaradda Amniga.
Digniintan ayaa lagu sheegay warqad rasmi ah oo uu 4-tii Oktoobar 2026 uu soo saaray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Waqooyi Bari Soomaaliya, Maxamuud Xuseen Jibriil (Caateeye), taas oo lagu faray shirkadaha duulimaadyada in ay u hoggaansamaan awaamiirta amniga ee maamulka.
Wasaaraddu waxay sheegtay in shirkad kasta oo duulimaad oo ka hawlgasha deegaannada Waqooyi Bari Soomaaliya ay waajib ku tahay in ay hubiso in aan hub iyo ciidan lagu qaadin diyaaradaheeda, haddii aan oggolaansho rasmi ah laga helin Wasaaradda Amniga.
Sidoo kale, maamulka ayaa shirkadaha duulimaadyada ku wargeliyey in qof kasta ama cid kasta oo doonaysa in ay hub sharciyeysan qaadato ay khasab ku tahay in ay Wasaaradda Amniga ka hesho oggolaansho ugu yaraan saddex maalmood ka hor safarka, isla markaana ay soo gudbiso warqadda oggolaanshaha rasmiga ah ee ay wasaaraddu bixisay.
Warqadda ayaa lagu adkeeyey in dhammaan shirkadaha duulimaadyadu ay u hoggaansamaan nidaamkan, iyadoo tallaabadan lagu sheegay mid la xidhiidha xakamaynta qaadista hubka iyo ciidamada ee duulimaadyada ka hawlgala deegaannada maamulka.





