Qarax looga shakisan yahay inuu ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa haleelay gaari ay lahaayeen booliska Kenya, xilli uu marayay waddada isku xirta Saretho iyo Dadaab ee gobolka Garissa, halkaas oo ay ka taagan yihiin walaacyo amni.
Taliyihii booliska ee saldhigga Xagardheere iyo darawalkiisii ayaa ku dhintay qarax miino oo haleelay gaarigii ay saarnaayeen waaberigii Jimcihii, sida ay sheegayaan wararka laga helayo deegaanka.
Dhacdadan ayaa la sheegay inay dhacday abaare 6:00 subaxnimo, xilligaas oo gaari nooca Toyota Land Cruiser ah oo ka tirsan saldhigga booliska Xagardheere uu dul maray walax qaraxeed oo looga shakisan yahay inay ahayd Miino nooca dhulka lagu aaso.
Labada nin ayaa la sheegay inay goobta ku geeriyoodeen, halka qaraxu uu si weyn u burburiyay gaariga.
Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, iyagoo sugay amniga halkaas kana bilaabay hawlgallo dabagal ah. Si kastaba ha ahaatee, weli ma cadda duruufaha rasmiga ah ee ka dambeeyay qaraxa, mana jirin war rasmi ah oo lagu shaaciyay cidda mas’uuliyadda ka dambeysa.
Warar maxalli ah ayaa farta ku fiiqay suurtagalnimada in kooxda hubeysan ee Al-Shabaab ay ku lug leedahay weerarka.
Waddada isku xirta Saretho iyo Dadaab ayaa muhiim u ah isu socodka gaadiidka, sahayda iyo hawlgallada ciidamada ammaanka ee gobolka Garissa, oo ku yaalla waqooyi-bari Kenya, kuna dhow xadka Soomaaliya.
Gobolka ayaa horey ula kulmay weerarro dhowr ah oo lagu beegsaday ciidamada ammaanka iyo gaadiid kale, taas oo sii kordhisay walaaca laga qabo amniga waddooyinka iyo dhaqdhaqaaqa gaadiidka ee aagga xadka.





