Tuesday, August 18, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Hay’adda isgaarsiinta ee Soomaaliya ayaa shirkadaha isgaarsiinta ee ka howlgala gudaha dalka ku amartay in ay isku furaan khadadka taleefanadooda (interconnection) maadama xiligan aanay is wici karin. War saxaafadeed qoraal ah oo maanta kasoo baxay Hay’adda isgaarsiinta Qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shirkadaha isgaarsiinta ay waajib ku tahay fulinta...
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta daah-furay Habka Onlie-ka ee Diiwaan-gelinta Ganacsiga oo ay diyaarisay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha. Habka Onlie-ka ee Diiwaan-gelinta Ganacsiga oo qayb ka ah fududaynta ama sahlidda ganacsiga ayuu Ra’iisul Wasaare Khayre sheegay in ay ka dhalayso in dhaqaaluhu kobco...
Munaasabada lagu dooranayay guddoonka cusub ee Ururka Haweenka ee ku jira Golaah Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho. Murashaxiinta Ku guuleeystay Xilika kala duwan ee loo tartamay ayaa kala ah sida hoos ku xusan: B)Guddomiyaha Ururka ayaa loodoortay: 1.Senator Jawahir Axmed Cilmi T)Guddomiyaha Ku -Xigeen Ururka...
Wasiirka Maaliyadda Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ka qeyb-galay shirka sanadlaha ah ee Bankiga Horumarinta Islaamka uga socda magaaladda Marrakech ee dalka Morocco. Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa wadahadallo la yeeshay  Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka Baanka Horumarinta Islaamka iyo wakiillo kale ee ka socday Bankiga Horumarinta Afrika iyo...
Mudane Axmed Max’ed Islaam, Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland oo mudooyinkii u danbeeyay ku maqnaa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, halkaa oo uu kulamo kula lahaa Madaxweynaha dalka ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo. Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Jubbaland iyo qaar kamid ah shacabka...
Taliye ku-xigeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Zakiya Xusseen Axmed oo goor dhaw shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa uga digtay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho gaari walxaha qarxa lagu soo raray oo la doonayo sida ay hadalka u dhigtay in shacabka lagu dhibaateeyo. ‘’Waxaan rabnaa in uu jiro gaari nooca...
Xildhibaan Xusseen Carab Ciise oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta hadal ka jeediyay fadhiggii Baarlamaanka ayaa si caro leh uga hadlay qadiyada Somaliland iyo sida ay dowlada Soomaaliya u wajaheyso. Wuxuu sheegay in mas’uuliyiinta Somaliland ka soo jeeda ee ka tirsan dowladda Soomaaliya aheyn dad shaqo...
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo khudbad ka hor jeedinayay fadhiggii maanta ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in qodobka Amniga ku saabsan laga dooddi doono maalinta Sabtida ah. Balse waxaa uu sheegay in aan warbaahinta loo ogolaan doonin in ay kulanka ku saabsan doodda Amniga goobjoog ka noqdaan...
Sida ay sheegtay warbaahinta Algeria Madaxweynihii dalkaas Abdelaziz Bouteflika ayaa is casilay kadib todobaadyo ay dibadbaxyo ballaarani dalkaas ka socdeen. Mr Bouteflika, oo talada dalkaas hayey 20 sanadood, ayaa mar horeba meesha ka saaray qorshe uu doonayey in uu mar shanaad isu soo taago madaxtinimada dalkaas. Ciidanka awoodda badan ee dalkaas...
Taliska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeeda ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay howlgallo saacadihii ciidamada militariga ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose. Taliyaha ciidamada Lugta General Odawaa Yuusuf Raage ayaa faah-faahin ka bixiyey howlgallada guullaha laga gaaray iyo sida ay u socdaan, isaga tilmaamay in deegaanadda haatan ay...