Robert Mugabe Madaxweynihii Hore ee Dalka Zimbabawe oo Geeryoodey iyo Sida loo arko.

0
762

Waxaa geeriyooday Madaxweynihii hore ee dalka Zimbabawe Robert Mugabe, kaddib xanuun muddo badan haayay,sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah eheladiisa oo la hadlay qaar ka mid ah Warbaahinta Caalamka.

Mr Mugabe ayaa in ka badan 30 Sanno Madaxweyne ka ahaa dalka Zimbabawe,waxaana xilka looga qaaday afgembi militari bishii November ee sannadkii 2017-kii, taas oo soo afjartay xukunkiisii socday in ka badan 30 sano.

Robert Mugabe wuxuu ahaa 95 sano jir Wuxuu dhashay 21-kii February 1924, xilligaas oo Zimbabawe loo garanayay Rhodesia,waxaana uu xabsi ku jiray in ka badan 10 sano ka dib markii uu eedeeyay dowladdii Gumeystaha ee Rhodesia, sannadkii 1964-tii.

Sannadkii 1973, isagoo xabsi ku jira ayaa loo doortay madaxweynaha xisbiga Zanu ee Zimbabawe kaas oo uu ka mid ahaa aasaasayaashiisa.

Qaar Kamid ah Dawlado ay Siyaasadda isku Diidanaa ayaa Geeridiisa u arka In Caqabad uu Ku ahaa Siyaasadda iyo Xiriirka ay La Yeelana Lahaayeen Dalka Zimbabawe iyagoo Quudareynaya Hada in Xaaladda wax Iska Badeli Doonaan MarHadii uu Geeryooday Ruug Caddaagii ku Taagnaa.