Dowlada Sucuudiga Oo Boqolaal Dhakhaatiir Ah Ku Amratay Inay Ka Baxaan Dalkooda.

0
520

Kumaankun dhakhtar oo u dhashay wadanka Baakistaan oo ka shaqaynayay cusbitaalada boqortooyada Sucuudiga ayaa lagu amray inay ka baxaan dalkaasi.

Arrintaas ayaa la xiriirta Sucuudiga oo gebi ahaanba joojiyay aqoonsiga shahaadooyinka caafimaadka ee laga qaato jaamacadaha dalkaasi Baakistaan.

Warqad ay soo saareen guddiga u qaabilsan sucuudiga takhakhusaadka Caafimaad ee SCFHS oo lagu daabacay wargaysaka Dawn  7 August ayaa lagu sheegay inuu Sucuudiga uu joojiyay inay aqbalaan Shahaadooyinka takhakusaadka caafimaadka ee Dalka Baakistaan.

Dhakhaatiirta ogaysiiska la siiyay ayaa lagu amray inay ka baxaan dalka haddii kale la tarxiili doono. Dhakhaatiirta qaarkood oo mushahar u qaata ilaa $6000 kun dollar ayaa sheegay in ujeedku yahay in lagu bedelo dhakhaatiir u dhashay sucuudiga.