Tuesday, August 18, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa mar kale maanta u ballasan in ay yeesheen kulankoodii saddexaad Kalfdhiga 5aad, kaddib markii ay fashil ku soo dhamaadeen labadii kulan ee hore oo mid ka mid ah uu u baaqday kooram la’aan. Kulanka maanta ayaa lagu wadaa in guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...
Waxaa si buuxda loo ansixiyay badalida magaca Xisbiga dowlad deegaanka Soomaalida , waxaana lagu badalay Xisbiga Dimuqraadiga Soomaalida, halka markii hore uu ka ahaa Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya. Sidoo kale waxaa la badalay Astaantii Xisbiga oo lagu celiyay Astaantii hore oo la badalay xilligii Cabdi Maxamuud Cumar, xilligaas oo...
Kulan ay isugu yimaadeen 12 Xisbi oo ka mida ah Axsaabta Qaranka ayaa lagu lafaguray xaaladda dalka ee siyaasadeed, amni iyo doorashooyinka 2020/21ka. Xisbiyadaasi waxay isla- qaateen qodobada soo socda: 1. In xukuumaddu si degdega ugu gudbiso Golaha Shacabka Sharciga Doorashooyinka soo socda ugu dambayn bisha May,2019, si Baarlamaanku uga guto waajibaadkiisa; 2. Xisbiyadu waxay...
Danjiraha dowladda Soomaaliya ee dalka Belgium –ka Cali Saciid Fiqi ayaa faah faahin deeraad ah ka bixiyay dadaalka dowladda Soomaaliya ugu jirto sidii loo aqoonsan lahaa Basaboorka Soomaaliya. Wuxuu sheegay danjire Fiqi in ay la fariisteen wada hadalo arintan ku saabsanna la yeesheen dowladdo dhowr ah ka tirsan qaarrada Yurub...
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Bangiga Adduunka oo ay hoggaaminayso madaxa mashaariicda tayaynta iyo maamuul wanaagga ee Bangiga Adduunka u qaabilsan Bariga Afrika Mss Nicola Smither. Ujeeddada waftigan u yimaadeen Puntland ayaa ah sidii la isaga xog waraysan lahaa mashaariicda muhiimka...
 Waxaa maata magaalada Muqdisho lagu qabtay doorashada kursigii Golaha Shacabka ee uu ka geeriyooday alle ha u naxariisteen Ex Xildhibaan Cismana Cilmi Boqorre oo lagu dilay magaalada Muqdisho. Doorashada ayaa waxaa ku tartamaya Cadnaan Cismaan Cilmi Boqore oo uu dhalay Marxuum Cismaan Cilmi Boqore iyo Axmed Cismaan Xaashi,waxaana kursiga ku...
Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Madaxa banaan ee Soomaaliya ayaa sheegtay in siyaasiyiinta Soomaalida ay marwalba shaki galiyaan qabsoomidda doorasho qof iyo cod oo ka dhacda dalka. Xaliimo yareey ayaa hadalkan ka sheegtay furitaanka kalfadhiga 5-aad ee golaha aqalka sare ee Soomaaliya kaas oo shalay ka qabsoomay...
Sida wararku ay sheegayaan Ciidamada sida gaarka u tababaran ee Danab ayaa gacanta ku dhigay gaari lagasoo buuxiyay waxyaabo Qarxa kaas oo ku sii jeeday magaalada Muqdisho. Ciidamada oo shalay la wareegay deegaanka Sabiib ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa gaariga Qaraxa siday ku qabtay isla deegaanka Sabiiba sida ay sheegeen...
Xiisada colaadeed ayaa lagasoo sheegayaa xaafado katirsan magaalada Muqdisho halkaas oo ay rasaas isku weydaarsanayaan ciidamo kawada tirsan dowladda Federaalka. Xeradii ciidamada Badda oo kutaal degmada Cabdi Casiis ee magaalada Muqdisho, ciidamo daacad u ah Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxoow ayaa isku gedaam dhismayaasha kuyaal xerada oo hadda isku bedelay xaafad...
Isgoyska KM4 waxaa isku socodka dadka iyo gaadiidka xayiray dibadbax ay dhigayaan Darawalada ku shaqeysta gaadiidka yaryar ee Mooto Bajaajka, kuwaa oo ka cabanaya dilalka joogta noqday oo ay ciidamada dowladda ku hayaan. Dilkii ugu danbeeyay ayaa askari ka tirsan waaxda canshuuraha dowladda Soomaaliya waxaa uu mid ka mid ah...