Tuesday, August 18, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah uu u anbabaxo magaalada Washington ee dalka Mareykanka shirka Bankiga Adduunka iyo Hey’adda IMF. Ra’iisal wasaraha ayaa marka laga soo tago shirka waxaa la filayaa in uu kulamo gargaar ah la qaato Madaxda Bankiga Adduunka, IMF,...
Sida dad goobjoogayaal ah u sheegeen warbaahinta meydka qof dumar ah ayaa saakay lagu arkay xaafad ka tirsan Kaaraan ee gobolka Banaadir. Haweeneydan ayaa la sheegay in jirkeeda ay ka muuqdaan rasaas loo adeegsaday dilkeed, ilaa iyo haddana waxaa ay sheegeen dadka degmada in ay garan la’yihiin haweeneydan. Saraakiil ka tirsan...
Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Zakiya Xuseen Axmed oo Shir jaraa’id ku qabatay magaaladda Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixisay qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho. Waxa ay sheegtay in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen 8 ruux oo 4 kamid ah ay qabaan dhaawacyo fudud iyo bubur ganacsiyo yaryar oo meesha...
Arrimaha amniga Muqdisho waa kuwa had iyo goor la hadal hayo oo moowduuc joogto u ah warbaahinta qeybaheeda kala duwan, balse aad ayay u yaryihiin waxyaabaha isbadelada ah ee soo kordha. Faaladan waxaan ku eegeynaa waxyaabihii ugu dambeeyay kuwoodii ugu muhiimsanaa ee soo jiitay dareenka tifaftirayaasha BBC-da. Kaalinta Booliiska Waxaa muuqata in...
Dadweynaha ku nool magaalada Marka ayaa dhib ku qaba isbadalka maamullada kala duwan ee ku dagaallamaya gacan ku haynta magaalada. Waxaa Marka kusoo noqnoqda hardan u dhaxeeya ciidamada dawlada iyo kooxda Al-Shabaab, arrintan ayaana sababtay in miciishaddu ay kor u kacdo, kadib markii ay cunaqabatayn ku soo rogeen kooxda Al-Shabaab. Kooxda...
Golaha Shacabka Somaliya ayaa maalinta Sabtida ee todobaadkan wuxuu u yeeray inay Baarlamaanka hor yimaadaan Wasiirada ay khuseyso difaaca & amniga iyo madaxda Ciidamada. Warqad ka soo baxday Golaha Shacabka Somaliya ayaa lagu dalbaday Baarlamaanka inay ku horyimaadaan Wasiirka Amniga,Wasiirka Gaashaanshigga, Taliyaha Ciidamada NISA, Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka, Taliyaha Asluubta...
Qarax aad u xooggan oo loo adeegsaday gaari lagasoo buuxiyay walxaha qarxa ayaa caawa ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, iyadoona qaraxaas uu sababay khasaare kala duwan. Qaraxaani ayaa ka dhacay ka soo horjeedka xerada ciidamada police-ka ee loo yaqanao Iskool-Buluusiyo, waxaana lala beegsaday meel Goob isku imaatin ah...
Golaha Wasiirada XFS ayaa ansixiyay Guddoomiyaha Cusub ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo loo magacaabay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo ka guuleystay ilaa 140 qof oo xilkaas soo codsaday Cabdiraxmaan oo ka mid ahaa xubnihii u tartamayay hoggaaminta Bankiga dhexe ee Somaliya ayaa ka soo jeedda Deegaanada Somaliland. C/raxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa horey...
Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Gobolka Shabellaha hoose, Ciidamada Shabaab ayaa laba ruux waxa ay ku gowraceen duleedka Degmada Marka ee Gobolkaasi. Labadan ruux ee Shabaab ay gowraceen ayaa waxa ay ahaayeen darawalo kaxeynaayay laba gaari oo raashin u siday gudaha Magaalada Marka, balse dabley Shabaab ka tirsan...
Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay falkii shalay Isbitaalka Wardi oo ku yaalla Degmada Xamar Jajab uu ku hor istaagay inay isbitaalka ku dhasho Hooyo Fool heysay. Wasaaradda ayaa sheegtay in shaqada laga fariisiyay Gabadhii heeganka laheyd habeenkaas ee Hooyo Khadro Maxamuud u diiday inay Isbitaalka...