Wareega group-yada ee koobka adduunka ee ka socda dalka Qatar ayaa lasoo gabagabeeyay waxaana hadda loo soo gudbay wareegga bug-baxa oo ay 16 kooxood isugusoo hareen.
Koobka adduunka waxaa sanadkan ka soo baxay natiijooyin lama filaan ah, iyadoo Argentina ay guuldarro ka soo gaartay Saudi Arabia, Japan oo ka badisay...
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen ciidanka xoogga dalka iyo kuwa saaxiibada caalamiga ah lagu dilay 40 katirsan kooxda Alshabaab.
War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka uu ka dhacay deegaanka Cali Fool dheere oo katirsan degmada Mahadaay ee gobolka Shabeeladda...
Hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa ka tacsiyeeyay geerida wiil dhallinyaro ah oo deegaanka Ceelasha biyaha ay ku jiireen kolonyo katirsan gaadiidka ATMIS.
Warsaxaafadeed kasoo baxay ATMIS ayaa lagu sheegay in sameeyeen guddi baaris ku sameeya dhacdada, kuwaas oo si dhow ula shaqeeynaya goob joogayaasha falka, dawladda Soomaaliya, iyo maamullada...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Madaxtooyada Villa Soomaaliya kulan kula qaatay wasiirka horumarinta iyo arrimaha Afrika ee dowladda Ingiriiska Andrew Mitchell.Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo taageerada muhiimka ah ee dowladda Ingiriisku ay siiso Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo wasiirka la wadaagay guulaha...
Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee xukuumadda Soomaaliya iyo wasaaradaha isgaarsiinta dowlad goboleedyada ayaa ka heshiiyay khilaaf dhowaan soo kala dhex galay, kaasoo sababay in wasaaradaha isgaarsiinta dowlad goboleedyada ay xiriirka u jaraan wasaaradda heer federal.
Shir ay Muqdisho ku yeesheen wasaaradaha labada dhinac ayaa waxay isku raaceen in sharciyada iyo...
Dowladda Turkey ayaa xirtay nin Soomaali ah oo bartiisa Tiktok soo galiyay muuqaal ku saabsan isagoo jeex jeexaya lacagta dalkaas.
Muuqaalkaan oo aad u dhex wareegaya barta Tiktok ayaa waxaa si weyn caro uga muujiyay shacabka Turkiga, kuwaas oo si xooggan uga sameeyay falcelin caro leh.
Ninkan Soomaaliga ah ee la...
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe, ayaa sheegay inaanay ansixin doonin sharci kasta oo ka hor imaanaya Diinta Islaamka, maalmo ka dib markii ku xigeenkiisa Sacdiyo Yaasiin ay wacad ku martay inay ansixin doonto sharciga xadgudubyada Jinsiga.
Guddoomiyaha barlamaanka oo shir guddoominayay kulan wadajir ah oo ay isugu yimaadeen labada...
Nin Soomaali ah oo lagu helay inuu xaaskiisa ku dilay magaalada Cleveland Heights ee gobolka California ayaa lagu xukumay 26 sano oo xabsi ah.
Maxamed Abidaaziz Keerow oo 48 jir ah ayay xeer beegtida San Diego ku xukuntay horaantii sanadkan dil darajada 1-aad ah, isagoo loo haystay geeridii Muna Salaad...
Ururada siyaasada Puntland ayaa sheegay inay diyaar u yihiin ka qeyb galka doorashooyinka soo socda Puntland, balse waxay ku xireen sharuudo ka horreeya doorashada oo haddii aan la fulin aysan qeyb ka ahayn.
Ururada siyaasada waxay dalbadeen in la dhameystiro xubnaha maxkamadda dastuuriga iyo in deegaannada doorashadu aysan ka dhici...
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee barlamaanka Soomaaliya, xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Samatar, ayaa iska fogeysay inay dabada ka riixayso sharci kasoo horjeeda Diinta iyo dhaqanka Soomaaliya.
Guddoomiye ku xigeenka barlamaanka waxay beenisay in barlamaanka la horkeenay sharciga jinsiga oo buuq badani uu ka taagan tahay. Waxay kaloo sheegtay in hadal ay...


















