Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Guddoonka Golaha shacabka iyo Guddiyada Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoona uga warbixiyey halganka dalka lagaga xorreynayo dagaalamayaasha Al-shabaab.
Kulankaan waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, guddoomiye...
Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho ku qabtay daawooyin aad u badan oo kaar jebiyayaal ah oo ay ku jiraan Pethidine iyo Cirbadda Oxytocin ee loo isticmaalo xilliga foosha dumarka.
Afhayeenka ciidanka Booliska Saddiiq Doodishe ayaa sheegay in ay dawooyinkan yihiin kuwo si khaldan maalin walba...
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay wasiirka diinta iyo Awqaafta xukuumadda Soomaaliya, Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, in uu ku qancin karo qaar ka mid ah asxaabtiisii hore inay kasoo goostaan ururka Alshabaab.
"Waxaan rabnaa inaan tusno hoggaanka al-Shabaab in haddii ay isa soo dhiibaan aan la bahdilin doonin,...
Golaha wadatashiga iyo waxgaradka Puntland oo ah gole ay ku midaysan yihiin qaar kamid ah siyaasiyiinta, waxgaradka iyo aqoonyahannada ayaa ka digay waxay ugu yeereen xasilooni darro siyaasadeed oo ka dhalan karta muddo kororsiga madaxweyne Deni.
Warsaxaafadeed ay soo saareen ayay ku baaqeen in doorashada waqtigeedii aan laga dib dhigin,...
Wasiirka Maliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Dowladda Norway Anne Beathe oo booqasho ku timid dalka.
Kulanka dhex maray Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway ayaa looga hadlay arrimaha horumarinta dhaqaalaha dalka...
Askeri Dhawaan Qof Shacab u Diley Toban kun Sh.so oo Maxkamadda Ciidamadu Dil Toogasho ah ku Riddey.
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku ridday Cabdiraxmaan Caddow Ciise Maxamed, xukunkaas oo ah qisaasta dil uu u geystay Marxuum Saylax Cabdulle Axmed.
Cabdiraxmaan Caddow waxa uu 29-kii November ee bishii tagtay ku dilay Saylax Cabdulle oo ahaa darawal PL, isbaaro sharci darro ah oo...
Wararka naga soo gaaraya degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleey ay Maanta kaabiga ku hayaan degmadaasi oo ay ku sugan yihiin Al-shabaab.
Ciidamada kaabiga ku haya degmada Aadan yabaal ayaa waxaa hoggaaminaya xubno ka tirsan...
Wasiirka arrimaha Horumarinta dalka UK, Andrew Mitchell, ayaa ku dhawaaqay taageero cusub oo ay UK siinayso Soomaaliya kadib booqashadiisii ugu horreysay ee uu ku yimid Soomaaliya tan iyo markii loo magacaabay.
Intii uu ku guda jiray booqashadiisa 2-da maalmood ah, ayaa wasiir Andrew Mitchell wuxuu xaqiijiyay, £6.7milyan oo ah maalgelin gargaar bini'aadantinimo...
Qaar kamid ah xildhibaannada barlamaanka Soomaaliya ayaa nasiib darro ku tilamamay in lagu xad gudbay xasaanaddooda, iyagoo sheegay inay hay’adaha amnigu ula dhaqmeen si xad gudub ah.
Xildhibaannadan oo ka hadlayay kalfadhigga barlamaanka waxay sheegeen in xukuumaddu amartay in xildhibaannada la baaro marka ay golayaan xarunta barlamaanka.
Xildhibaan Daahir Aamiin Jeeso...
Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa go'aan culus kasoo saaray dhigashada isbaarooyinka lagu dhibaateeyo dadka shacabka ee masaafurka ah.
Guddoomiye Jeyte oo warbaahinta kula hadlay deegaanka Teedaan ee gobolka Hiiraan ayaa si aan gambasho laheyn wacad ugu maray in talaabo adag uu ka qaadi doono cidii la arko...


















