Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hamza Abdi Barre, ayaa gelinkii dambe ee shalay soo xiray shirweynaha maalgashiga caalamaiga ah ee Soomaaliya oo labo maalmood ka socday Muqdisho.
Shirka oo ay ka qeyb-galeen hay'adaha ka shaqeeya mashaariicda, ganacsatada, maalgashadayaal caalami ah iyo marti sharaf kale, ayaa lagu soo bandhigay fursadaha maal-gashi...
Askari katirsan ciidanka Hirshabeelle oo ka howl galayay isbaaro sharci darro ah oo kutaal degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe ayaa qof shacab ah oo darawal ah u dilay lacag lagu sheegay toban kun oo shilin Soomaali ah.
Falkaan oo dhacay saakay waaberigii ayaa yimid markii darawalka oo watay gaari...
Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maanta shir-guddoomiyay shir sanadle ah oo uu soo qaban-qaabiyay Bangiga Adduunka, laguna soo bandhigay warbxinta dhaqaallaha Soomaaliya (Economic Outlook).
Warbixinta ayaa caddeysay in sannadkii 2021 dhaqaallaha Soomaaliya uu kordhay boqolkiiba 2.9, marka loo eego sannadkii ka horreyay ee 2020.
Dr. Cilmi Maxamuud Nuur,...
Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika, ayaa sheegay in dhimista ciidamada midowga Afrika ee Soomaaliya ku sugan ay billaabanayso bisha June ee sannadka 2023.
Sida uu dhigayay qorshaha dhimista tirada ciidamada midowga Afrika ee ATMIS, waxay ahayd in ay 2,000 oo askari bisha soo socota ee December, ka saaraan Soomaaliya.
Laakiin,...
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee xukuumadda Soomaaliya, Aadam Ibraahim Aw-Xirsi oo kamid ahaa masuuliyiintii kasoo badbaaday weerarkii lagu qaaday Rays hotel, ayaa ka hadlay qaabkii ay ugasoo baxeen hotelka, kadib markii uu weerarka ku bilowday.
Wasiirka ayaa sheegay in masuuliyiin uu kamid ahaa markii uu qaraxu dhacay in ay u carareen...
Dad isku qoys ah oo ka koobnaa illaa shan ruux ayaa xalay dil wadareed loogu geystay deegaan hoos yimaada degmada War Sheikh ee gobolka Shabeellada dhexe arrima la xariiro aanooyin qabiil.
Qoyskan oo dil wadareedka loogu geystay tuulada Xaluule ee degmada Warsheekh, ayaa waxay ka koobnaayeen shan ruux oo lagu...
Madaxweynaha Jubbaland, Wasiirka Difaaca Soomaaliya, iyo taliyaha ciidamada xoogga Sareeye Guuto Odowaa Yusuf Raage, ayaa maanta magaalada Kismaayo uga qeyb galay dhoolotuska ciidamo huwan ah oo loo diyaariyay inay qaadaan howlgal Alshabaab looga xoreynayo deegaannada Jubbaland.
Madaxwene Axmed Madoobe ayaa sheegay in aysan reer Hiiraan ku fiirsan karin culayska ay Alshabaab...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shirweynaha caalamiga ah ee maalgashiga Soomaaliya.
Madaxweyne Maxamuud ayaa ka warbixiyey qorsheyaasha dowladda ee ku aaddan xaqiijinta Soomaaliya ku habboon maalgashi, taas oo uu sheegay in ay aas-aas u tahay dabar-goynta argagixisada, horumarinta shuruucda iyo dowladnimada, dhismaha...
Cabdulahi Cabdi oo katirsan saraakiisha amniga Galmudug ee deegaanka Qaayib ayaa sheegay in odayaal tuhun looga qabay inay xiriir laleeyihiin Alshabaab ay shalay si toos isugu dhiibeen Alshabaab.
Odayaashaan oo la sheegay inay ka baxeen degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud ayaa la ogaaday inay gaareen degmada Xarar dheere oo kamid...
Hogaamiyayaasha mucaaradka Somaliland ayaa shacabka uga digay hogaaminta madaxweyne Biixi.
Fariimo ay ku baahiyeen warbaahinta Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, shacabka ugu baaqeen in ay ka digtoonaadaan hogaaminta madaxweynaha.
"Dadka Somaliland waxan leeyahay tuu soo wado hadaynaan ka tashan, meel aynaan...


















