Tuesday, June 2, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay xubnaha Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya, kadib kulan ay ku yeesheen xarunta Aqalka Sare ee Muqdisho. Ugu horreyn, Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi, ayaa Sanatarrada Aqalka Sare uga...
Maxkamada ciidamada ee gobolka Galgaduud ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku riday Cabdifitaax Cali Xasan Diiriye oo laba cesho ka hor ku dilay gudaha degmada Guriceel Deeq Cabdi Jaamac oo ahaa nin  gamacsade ah. Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Galgaduud Garyaqaan Xasan Cabdullaahi Cali ayaa sheegay in maxkamaddu ay ninkaasi ku...
Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa shir  guddoomiyey kulan looga hadlayey dhamaystirka iyo u diyaargarowga doorashooyinka dawladaha hoose ee dalka oo la filayo in dhawaan ay qabsoomi doonaan. Shirkaan oo lagu qabtay xarunta golaha Wasiirrada Soomaaliya ee magaalada  Muqdisho ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda,...
Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa soo bandhigtay miisaaniyadda sanadka 2026, taas oo muujinaysa hoos-u-dhac ku yimid mashaariicda caalamiga ah iyo qorshaha maalgelinta guud ee dowladda. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Axmed Jaamac Jowle, ayaa sheegay in sanadkan kororka ugu weyn uu ka yimid dakhliga gudaha oo kordhay 16%. Si kastaba ha...
Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay qaraar ay Maraykanku diyaariyeen oo taageeraya qorshaha 20-qodob ee Madaxweyne Donald Trump u dejiyey xasilinta Gaza, kaas oo lagu dhisayo ciidamo caaalami ah iyo hay’ad kumeelgaar ah oo maamuli doonta dib u dhiska Gaza. Soomaaliya ayaa ka mid noqotay 13 dal ee u...
Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya (SoDMA), ayaa si rasmi ah u daahfurtay Geedi-socodka Habka Kasii Foogignaanta Masiibooyinka kadib shir socday saddex maalmood oo ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qayb galeen wasaarado dowladeed, hay’ado caalami ah iyo ururo aan dowli ahayn. Geedi-socodkan cusub ayaa ujeeddadiisu tahay in la hormariyo awoodda...
Guddiga Dowladnimada Danabeysan ee uu dhawaan magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa yeeshay kulankoodii ugu horreeyay, iyagoo diiradda saaray qorshaha dowladda ay ku wajahneyso dhismaha nidaam casri ah oo gebi ahaan ku saleysan dijitaalka. Kulanka oo uu guddoomiyay Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda, Maxamed Aadan Macallin, ayaa...
Puntland ayaa dadka ku nool tuulooyinka ku dhow togga Baallade u qabatay toddobo maalmood inay kaga guuraan deegaanka, si ay u goyso sahayda lagu eedeeyo inay gaarto ururka Daacish, oo la sheegay inuu mararka qaar dadka deegaanka ka helo raashin iyo xoolo nool. Hay’adaha amniga ayaa ku eedeeyay dadka ku...
Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa beesha caalamka u diray codsi ku aaddan in daneeyayaasha doorashada ay ka qeyb qaataan dardargelinta dhammaan heerarka kala duwan ee geedi-socodka doorashada. Guddigu waxa uu si gaar ah diiradda u saaray baahida loo qabo diyaarinta miisaaniyad dhaqaale oo rasmi ah, taasoo...
Ciidamada amaanka degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose ayaa gacanta ku soo dhigay nin ku eedeysan inuu gowracay wiil yar oo 14 sano jir ahaa, islamarkaana dhaawac daran u geystay wiil kale. Ninkan eedeysanaha ayaa magaciisa lagu sheegay Jeelle Maxamed Cusmaan, kaasoo la tilmaamay inuu falkan naxdinta leh u geystay...