Tuesday, June 2, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Ciidamada amaanka maamulka Galmudug, gaar ahaan Booliiska degmada Guriceel ayaa gacanta kusoo dhigay nin ku eedeysan inuu dil bareer ahaa Xalay fiidkii hore ugu gaystay gudaha magaalada Guriceel  Ganacsade caan ka ahaa magaaladaas. Ganacsadaha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Deeq Cabdi Jaamac, kaasoo ahaa nin dhalinyaro ah oo si...
Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta mar kale adkeysay in ay si dhow ula socoto dhaqdhaqaaqyada macdan-qodista sharci-darrada ah ee ka socda qaybo kamid ah dalka, kuwaas oo ay sheegtay inay ku lug leeyihiin shakhsiyaad iyo shirkado Soomaali iyo ajnabi isugu jira. Wasaaraddu waxay sheegtay...
Wasiirka gaashaandhigga dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa shaaca ka qaaday in barnaamijka E-Visa uu door muhiim ah ka qaatay xakameynta iyo ka hortagga dhaqdhaqaaqa xubnaha kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaya buuraleyda Calmiskaad ee Puntland. Wasiir Fiqi ayaa sheegay in tan iyo markii la daah furay nidaamka E-Visa, uusan...
Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay xayiraad cusub oo lagu adkeynayo safarka dadka da’doodu ka yar tahay 30 sano, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu xakameynayo tahriibka iyo ka ganacsiga dadka ee gobolka kusii kordhaya. Wasaaradda Howlaha guud iyo gaadiidka ee maamulka Waqooyi Bari  ayaa sheegtay in go’aankan...
Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya ayaa Sabtidii maanta si rasmi ah u bilaabay bixinta kaararka codbixinta ee caasimadda Muqdisho, taas oo astaan u ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka qabashada doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee magaalada muddada dheer wajahaysay colaado, barakac iyo hubanti la’aan siyaasadeed. Bixinta kaararka ayaa si habsami leh...
Xisbiga Kulmiye ee Somaliland ayaa soo dhaweeyay  Ururka Caalamiga ah ee Duulimaadyada (IATA)  oo sheegay in marka aad ka dagayso garoomada Hargeysa iyo Berbera lagaaga baahanyahay fiisaha ay Somaliland bixiso, inkasta oo uu sidoo kale xusay in guud ahaan Soomaaliya layskaga baahanyahay fiisaha danabaysan ee dowlada federaalka Soomaaliya. War-saxaafadeed uu...
Ciidanka Booliska Puntland ee Gobolka Mudug ayaa sheegay in haweeney lagu magacaabo Hodan Maxamuud Diiriye, oo 34 jir ah ay qiratay dilka Saabiriin Saylaan Cabdulle, oo 14 jir ah. Eedeysanaha ayaa dhawaan gacanta lagu soo dhigay markii maydka gabadhaan xogteeda la helay, waxaana booliisku uu sheegay in la horgeyn doono...
Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa soo saartay digniin rasmi ah oo ku saabsan suurtaglnimada in kooxaha burcad internet-ka ay dhex-galeen nidaamka dal-ku-galka danabaysan (E-Visa) ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Safaaradda ayaa sheegtay in ilo kala duwan oo lagu kalsoon yahay ay 11-kii November 2025 xaqiijiyeen suurtagalnimada weerarka burcada, taas oo keentay...
Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa u diray baaq nabadeed oo degdeg ah oo ku socda bulshada ku dagaallamaysa degmada Wala-weyn ee gobolka Shabeellaha Hoose. Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay rabshadaha toddobaadkii lasoo dhaafay ka dhacay Wala-weyn kuwa “aan la aqbali karin”, isaga oo ku adkeystay in...
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa wareysi uu siiyay CNBC Carabiya ku sheegay in Soomaaliya ay gaartay horumar la taaban karo oo dhinaca dhaqaalaha ah sanadihii ugu dambeeyay, inkastoo ay jiraan caqabado cusub oo ka dhashay hoos u dhaca ku yimid caawimada horumarineed ee ay bixiyaan deeq-bixiyeyaasha waaweyn. Wasiirka...