Madaxweynihii hore Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa xalay kulan casho sharaf iyo is-xogwaraysi ah la qaatay tiro ka tirsan Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, isaga oo la wadaagay aragti ku saabsan xaaladda guud ee dalka iyo mas’uuliyadda hortaalla madaxda qaranka.
Kulankan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayuu Farmaajo ku...
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Jimcihii ku dhawaaqay inuu si degdeg ah u joojinayo Barnaamijka Ilaalinta Ku-Meel-Gaarka ah (TPS) ee Soomaalida Maraykanka, isaga oo sabab uga dhigay “khatar amni” uu sheegay in ay gobolka Minnesota ka abuurayaan “koox Soomaali ah.”
Hadalkan oo uu ku faafiyey bartiisa Truth Social ayaa si...
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta amniga badda ee xeebaha dalka, si loo ilaaliyo marin-biyoodka muhiimka ah ee caalamiga ah.
Wasiirka ayaa hadalladan ka jeediyay shirkii 4-aad ee Madasha Wasiirrada Midowga Yurub iyo Indo-Pacific, oo...
Xulka Qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17 sano (U17) ayaa bandhig ciyaareed yaab leh ka sameeyay magaalada Addis Ababa, kaddib markii ay bar-baro 3–3 ah la galeen dhiggooda Ethiopia, kulan ka tirsanaa tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika ee ay sanadkaan.
Ciyaartan oo aheyd tii saddexaad ee ay Soomaaliya ka...
Safiirka dowladda Fedaraalka Soomaaliya ee dalka Tansaaniya Ilyas Cali Xasan ayaa goordhaw beeniyay in Maxkamadda Bulshada Bariga Afrika ee Arusha ay dib u soo celisay Xildhibaanada Soomaaliya ku matalaya Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika.
Danjire Ilyaas Cali Xasan ayaa beeniyay wararka sheegayay inuu soo baxay xukun maxkamadeed oo dib loogu celinayo...
Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa sheegay in maqaamka rasmiga ah ee caasimadda Soomaaliya uu ku cad yahay qodobka 9-aad ee Dastuurka Ku Meel Gaarka ah, kaas oo dhigaya in go’aan kama dambays ah laga gaari doono kaddib dib-u-eegis lagu sameeyo dastuurka, isla markaana sharci gaar ah ay...
Ciidamada Booliiska Gobolka Banaadir, gaar ahaan kuwa ka howlgala degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku soo dhigay haweeney ku eedeysan dilka ninkeeda.
Ciidamada ayaa howlgal ay ka sameeyeen gudaha xaafadaha degmada Dayniile kusoo qabtay Faadumo Maxamed Cismaan oo ah haweeneyda ku eedeysan inay dishay Ninkeedii.
Marxuumka la sheegay iney...
Puntland ayaa sheegtay in aysan qayb ka ahayn ansixinta Sharciga Tamarta Soomaaliya iyo dhismaha Hay’adda Tamarta Qaranka (NEA), iyadoo sheegtay in arrintaasi ay ka hor imaanayso Dastuurka Federaalka iyo kan Puntland.
Qoraal rasmi ah oo ka soo baxday Wasaaradda Tamarta, Macdanta & Biyaha Puntland, ayaa lagu sheegay in sharcigan iyo...
Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa galinkii dambe ee Shalay fagaare ku yaala duleedka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ku toogtay Cabdifitaax Cali Xasan Diiriye oo isla Shalay Maxkamadda gobolka Galgaduud ku riday xukun dil toogasho ah.
Ninkan toogashada lagu fuliyay ayaa Maxkamadda gobolka Galgaduud ay sheegtay iney ku heshay...
Labo askari oo ka tirsan cutubka ilaalada xuduudaha Kenya ayaa ku dhintay qarax miino oo ay maleegeen dagaalyahanno Al-Shabaab ah kadib markii gaarigii ay wateen uu miinada kula qarxay wadada u dhaxaysa Liboi iyo Kulan ee gobolka Garissa, ee waqooyi-bari Kenya.
Sida ay sheegeen saraakiisha booliska ee la hadlay warbaahinta,...

















