Magaalada Muqdisho ayaa si rasmi ah u hirgelisay amar uu soo saaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), kaas oo lagu farayay ganacsatada in ay ay aqbalaan isticmaalka Shilinka Soomaaliyeed.
Amarkan ayaa yimid kaddib maalmo ay jireen cabashooyin la xiriiray in ganacsato badan ay diideen qaadashada lacagta maxalliga ah, taas oo saameyn ku yeelatay ganacsiga iyo nolosha maalinlaha ah ee shacabka.
Guddoomiyaha ayaa si cad u sheegay in ganacsade kasta oo diida qaadashada Shilinka Soomaaliyeed loo aqoonsan doono dembiile, isagoo xusay in lacagta dalka ay tahay laf-dhabarta dhaqaalaha iyo astaanta qarannimada.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in ilaalinta lacagta maxalliga ah ay tahay waajib dastuuriga ah iyo masuuliyad saaran muwaadiniinta.
Magaalada qeybo kamid ah ayaa la arkayay in si ballaaran dib loogu bilaabay isticmaalka Shilinka Soomaaliyeed, gaar ahaan lacagta kunka shilin, iyadoo suuqyada waaweyn ee magaalada ay si caadi ah ugu socoto ganacsiga.
Hooyo ganacsato ah oo ka shaqeysa Suuqa Bakaaraha ayaa warbaahinta u sheegtay in ay hadda si caadi ah u qaadanayaan lacagta Shilinka, islamarkaana ay u hoggaansameen amarka maamulka.
Waxay tilmaantay in dhibaatooyin badan jireen markii lacagta la diidayay, gaar ahaan dhinaca kala-bixinta iyo isfahanka ganacsiga.
Sidoo kale, ganacsade kale oo khudaar iibiya ayaa sheegay in ay caqabado la kulmeen maalmihii a diidanaa Shilinka, balse hadda ay aad ugu faraxsan yihiin go’aanka maamulka Gobolka Banaadir.
Maamulka gobolka ayaa sheegay in tallaabadan ay ka dambeysay kulan degdeg ah oo dhex maray Guddoomiyaha iyo ganacsatada Muqdisho, kaas oo lagu go’aamiyay in si buuxda loo soo celiyo isticmaalka lacagta Shilinka Soomaaliyeed, amar kaas oo hadda si rasmi ah uga dhaqan galay magaalada.













