Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur ‘Jamac’ oo La Sheegay in uu ku Guuleystay Doorasho Dadban ee Kursiga Hop.204 ee Golaha Shacabka.

0
319

Xiisad siyaasadeed oo hor leh ayaa ka dhalatay doorasho dadban oo maanta lagu qabtay magaalada Baydhabo, halkaas oo Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), uu ku guuleystay kursiga HOP204 ee Golaha Shacabka.

Doorashadan oo dhacday galinkii dambe ee maanta ayaa loo maray hab dadban, iyadoo ergada codbixinta ay u codeeyeen Wasiirka, kaas oo markii dambe si rasmi ah loogu dhawaaqay inuu ku guuleystay kursiga, Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa helay 96 cod kadib markii uu tanaasulay musharaxii la tartamayay.

Wasiir Jaamac ayaa hadal kooban oo uu jeediyay uga mahadceliyay ergadii dooratay, isaga oo ballanqaaday inuu si hufan u matali doono danaha shacabka.

Si kastaba ha ahaatee, muran adag ayaa hareeyay natiijada doorashada, kadib markii xildhibaankii hore ee kursigan, Isaaq Cali Subag, uu si cad u diiday natiijada, isagoo sheegay inuu wali haysto kursiga HOP204 isla markaana uusan iscasilin.

Xildhibaan Subag ayaa ku tilmaamay hanaanka doorashada mid “sharci darro ah,” isagoo ku baaqay in la helo isla xisaabtan iyo hufnaan dheeraad ah.

Dhanka kale, warar aan si rasmi ah loo xaqiijin oo ku faafay baraha bulshada ayaa sheegaya in ay jiraan wada-hadallo iyo is-fahamyo ka socda gudaha Golaha Shacabka, iyadoo la isla dhexmarayo qorshayaal siyaasadeed oo ku saabsan hoggaanka mustaqbalka.

Wasiir Jaamac, oo wax laga weydiiyay suurtagalnimada inuu u tartamo xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ama Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa ka gaabsaday inuu si toos ah uga jawaabo, hase yeeshee ilo siyaasadeed ayaa tilmaamaya inuu daneynayo kursiga Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Sidoo kale, waxaa jira warar sheegaya in Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe, uu qorsheynayo inuu u tartamo xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed, arrintaas oo sii xoojisay loollanka siyaasadeed ee ka socda Koonfur Galbeed.

Arrimahan ayaa kusoo beegmaya xilli uu dhammaanayo muddo xileedka Golaha Shacabka, oo ku eg 14-ka April ee sanadkan, taasoo sii kordhisay walaaca laga qabo hannaanka doorashooyinka iyo xasilloonida siyaasadeed ee dalka.