Cambaareynta Iran ee Xiriirka Israa’iil iyo Gobolada Waqooyi galbeed Soomaaliya oo Si Adag Looga Jawaabay.

0
7

Xukuumadda Somaliland ayaa si kulul uga jawaabtay cambaareynta dowladda Iiraan ee xidhiidhka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil, gaar ahaan arrinta ku saabsan magacaabista wakiil diblomaasiyadeed.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa qoraal ay ku baahisay barta X ku sheegtay in Somaliland ay tahay dal madax-bannaan oo dimuqraadi ah, isla markaana xaq u leh inay si madaxbannaan u go’aansato siyaasaddeeda arrimaha dibadda.

“Somaliland waa dal madax-bannaan, xasilloon oo dimuqraadi ah, una taagan nabad iyo horumar. Isbahaysiyadeenna annaga ayaa go’aansanna, xidhiidhkayaga Israa’iil-na waa mid aan la wiiqi karin,” ayaa lagu yidhi qoraalka wasaaradda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan ayaa si adag u cambaareysay tallaabada Israa’iil ay ku sheegtay inay wakiil diblomaasiyadeed u magacawday Somaliland, iyadoo ku tilmaantay arrintaasi mid xadgudub ku ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Afhayeenka wasaaradda, Ismaaciil Baqa’i, ayaa sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay, sida uu hadalka u dhigay, qorshe lagu wiiqayo xasilloonida dalalka Islaamka iyo in la kala fogeeyo wadamada gobolka.

Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah Soomaaliya, isla markaana go’aanka Israa’iil uu si toos ah uga hor imanayo shuruucda caalamiga ah iyo mabaadi’da Qaramada Midoobay ee ilaalinta madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka.

Arrintan ayaa muujinaysa is-maandhaaf diblomaasiyadeed oo sii xoogeysanaya, kaas oo la xidhiidha xidhiidhka sii kordhaya ee u dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil.