Madaxweyne Xasan Sheekh oo Markale Caddeeyey in Dalku ka Gudbay Siyaasad Qofeysan ee Xisbiyada laga Soo Galo

0
6

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Fulinta ee Ururka Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP), isagoo ka dhageystay warbixin faahfaahsan oo la xiriirta horumarka iyo guulaha laga gaaray ololaha doorashooyinka ee ka socda degmooyin kala duwan oo dalka ah.

Madaxweynaha ayaa kulankaas ku bogaadiyey masuuliyiinta iyo howl-wadeennada Ururka Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP) dadaalka ay muujiyeen, isagoo ku dhiirrigeliyay in ay sii xoojiyaan wacyigelinta bulshada, mideynta taageerayaasha, iyo ballaarinta hawlaha la xiriira diyaarinta doorashooyinka.

Madaxweynaha ayaa si cad u sheegay in musharixiinta kala duwan ee doorashooyinka ay ku tartami doonaan si waafaqsan nidaamka Ururka, si loo xaqiijiyo hannaan doorasho oo hufan, cadaalad ah, isla markaana ka turjumaya dimuqraadiyadda dalka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in laga gudbo siyaasadda qofeysan, isagoo xusay in muwaadin kasta oo leh hammi siyaasadeed uu ku kalsoonaado codka shacabka iyo go’aankooda.

“Waxaan mar kale adkeynayaa in laga gudbo siyaasadda qofeysan, muwaadin kasta oo leh han siyaasadeedna uu ku kalsoonaado codka iyo go’aan dadweyne.” ayuu yiri Madaxweynaha.

Hadalkan Madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya xilli magaalada Muqdisho ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo ay wadaan qaar ka mid ah mucaaradka, kuwaas oo ka arrinsanaya mowqifkooda ku aaddan jihada siyaasadda dalka iyo doorashooyinka.