Thursday, August 13, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Wararka ka imaanaya deegaanka Beerxaano ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu Maanta ka dhacey dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dib u xureynta deegaanka iyo kuwa Al-shabaab. Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalamayaal ka tirsan kooxda Shabaab oo la sheegay iney kaso talaabeen wabiga Shabeelle ay weerar ku...
Ugu yaraan 10 ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa lagu dilay dhowr kalena waa lagu dhaawacay ka dib markii ay isku dhaceen ciidamada ammaanka Kenya meel u dhow soohdinta Kenya ay la wadaagto Soomaaliya. Sida lagu sheegay war ka soo baxay booliska, iska horimaadka u dhaxeeyay ciidamada Kenya iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab...
 Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dishay 49 ka tirsan  Alshabaab, tiro kalana lagu dhaawacay kaddib dagaal ka dhacay Tuulada Dhagaxow oo hoostagta deegaanka Xawaadlay ee gobalka Shabeellaha Dhexe. Howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga dalka, kuwa deegaanka, Ciidanka Nabad Sugidda iyo Saaxiibada Caalamka, ayaa waxaa lagu beegsaday...
Wasaaradda amniga maamulka Hirrshabelle ayaa caddeysay cidkasta oo u hoggaansanta awaamiirta Alshabaab in ay ku xukun yihiin iyaga. Wasaaradda amniga ayaa sheegtay go'aan inuu qeyb ka yahay awaamiir dowladda Soomaaliya ay soo saartay, kuwaas oo lagula dagaalamayo kooxda Alshabaab iyo cid kasta oo gacan saar laleh.Go'aanka maamulka Hirshabeelle ayaa kusoo...
Maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda Hoose ee Xamar ayaa shaaca ka qaaday iney dib u bilaabayaan qaadista Canshuurta Guryaha iyo daaraha ka dhisan magaalada Muqdisho oo horay loo joojiyay bishi Oktoobar ee sanadkii lasoo dhaafay 2022. Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Dheere ayaa warbaahinta u sheegay in dowladda Hoose ee...
Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay in sanadka soo socda uu hiigsanayo in lasoo saaro lacagta cusub ee shilinka Soomaaliga, si wax looga qabto lacagaha qalaad ee xad-dhaafka ah ee suuqyada ku jirta iyo sicir-bararka. Lacagta cusub oo ah kun shilin ayaa badali doonta lacagtii la daabacay dowladdii dhexe ee...
War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in nawaaxiga deegaanka Xawaadleey ee gobolka Shabeellaha Dhexe ay ka socdaan howlgalo ay si wadajir ah u fulinayaan Ciidamada xooga dalka Soomaaliya, kuwa Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka, ciidanka deegaanka iyo Saaxiibadda Caalamiga ah. Howlgalkaan ayaa la tilmaamay inuu si gaar ah uga...
Taliska ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa bogaadiyay guulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka ay ka gaareen howlgalada ka socda deegaanada maamulka Galmudug ee Al-shabaab looga saaray degmooyinka Xarardheere, Ceeldheer iyo Galcad oo ka kala tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud. Ergayga gaarka ah ee guddoomiyaha Midowga...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlaayay furintaanka shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa si rasmi ah u shaaciyay in wajiga labaad ee howlgalka dalka looga xureynayo kooxda Al-shabaab iuu ka bilaabanayo deegaanada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Madaxweyne Xasan ayaa sheegay inuu gabagaba yahay wajigii...
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa sheegay inuu diyaar u yahay in wada hadal iyo nabad lagusoo afjaro colaadda ka jirta Koonfur Galbeed. Madaxweyne Lafta Gareen ayaa sheegay Koonfur Galbeed inay ku jirto xabsi 5km u jirto, isagoo ula jeeday inay kooxda Shabaab dhinac kasta ka...