Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Xasan Cabduqaadir, ayaa maanta ka hadlay howlgalada ay ciidamada ammaanku ka wadaan degmada Walanweyn iyo deegaannada hoos taga, isaga oo ammaan ballaaran u jeediyay ciidamada Milateriga iyo Darawiishta Koonfur Galbeed oo uu sheegay inay si buuxda u xasiliyeen xaaladda degmada.
Wasiirka ayaa sidoo kale...
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Kenya ku ammaanay inay saldhig u tahay dowladnimada Soomaaliya ee maanta jirta, isagoo sheegay in Kenya ay abaal badan ku leedahay Soomaalida.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in Kenya laga doonayo inay mar walba garab istaagnaato Soomaaliya, oo uu sheegay in...
Dowladda Maraykanka ayaa soo saartay digniin cusub oo ku saabsan lacagaha sharci-darrada ah ee dhexmara nidaamka maaliyadeed ee dalkaasi.
Hay’adda Joojinta Dembiyada Maaliyadeed ee Wasaaradda Maaliyadda (FinCEN) ayaa sheegtay in sanadihii la soo dhaafay ay kordheen lacagaha ay dirayaan shakhsiyaad sharci darro ku jooga gudaha Mareykanka, kuwaas oo lacago si...
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee Guddiga, isaga oo ku dhawaaqay jadwalka doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir.
War-saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha ayaa lagu cadeeyay in guddigu hadda ay u buuxsantay hal sano oo shaqo...
Xalay waxa magaalada Hargaysa lagu soo bandhigay filim sida fariinta Somaliland, oo lagu magacaabo “Aan la Aqoonsanayn”, kaasi oo uu soo saare ka yahay suxufi Cabdirisaaq Terra, halka uu agaasimay Xuseen Boon oo isna ah filim-sameeye. Filimkan oo daawashadiisa ay awoodi karayeen dadka dabaqadda sare oo keliya, ayaa tigidhadiisa...
Ciidanka Booliska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka howlgala Saldhigga degmada Xamarweyne ayaa gacanta kusoo dhigay askari ka tirsan ciidanka dowladda oo si awood sheegasho ah ula dhaqmay Maamo Soomaaliyeed oo ku ganacsanaysay suuqa Xamarweyne.
Askariga eedeysanaha ah ee gacanta lagu soo dhigay oo lagu magacaabo Cabdifataax Maxamed Ibraahim ayaa ah...
Soomaaliya ayaa ku biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka la socodka dhaqdhaqaaqa Maraakiibta iyo doomaha maraya badaha ee loosoo gaabiyo (IMSO) si ay uga warqabto waxyaabaha ka dhacaya baddeeda.
Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Soomaaliya Cabdulkhaadir Maxamed Nuur, ayaa magaalada London kulan miro-dhal ah kula yeeshay Xoghayaha...
Haweenka iyo hablaha Dowlad-Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa wajahaya nooc cusub oo tacadiyo ah, kuwaas oo ay horseedeen aaladaha dhijitaalka ah, sida in lagu rakaateeyo muuqaallo laga duubay.
Agaasimaha Waaxda Carruurta iyo Dumarka ee Xafiiska Haweenka Dowlad Deegaanka Soomaalida, Suhuura Xasan Cumar, oo waraysi gaar ah siisay BBC Somali, ayaa...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil gaari oo saakay aroortii hore ka dhacay Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho, kaasoo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Shilkan ayaa yimid kadib markii gaari nooca xamuulka qaada ah oo kasoo baxay dekada weyn ee Muqdisho uu ku dhacay Mooto Bajaaj mareysay...
Dowladda Spain ayaa ansixisay hal milyan oo euro oo ah deeq ah oo loo dirayo Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM), intii lagu guda jiray kulanka Golaha Wasiirrada.
Dowladda Spain ayaa sheegtay in lacagtani lagama maarmaan tahay, maaddaama xasillooni darrada Soomaaliya ay khatar ku noqon karto Geeska...

















