Hawlgal ka Dhacay Gobolka Shabeelaha Dhexe oo La Sheegay in Lagu Dilay 22 ka Tirsanaa Al-shabaab.

0
142

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay in ciidamada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay fuliyeen hawlgal qorshaysan oo lagu beegsaday Dagaalamayaal ka tirsan Kooxda Al-Shabaab kuwaasi oo ku sugnaa gobolka Shabeellaha Hoose.

Hawlgalka oo socday 72-kii saac ee la soo dhaafay ayaa ka dhacay deegaanka Buulo Cabdalla, oo u dhexeeya Mubaarak iyo Ugunji, Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, hawlgalka ayaa isugu jiray dagaal toos ah iyo duqeyn lala beegsaday dagaalamayaasha Al-shabaab.

Ciidamada dowladda ayaa ku guuleystay in ay dilaan 22 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, waxaana ku jiray horjooge lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Jeeri, oo lagu tilmaamay inuu ahaa shaqsi si weyn uga dambeeyay dhibaateynta shacabka rayidka ah.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in ay sii laba-jibbaarayaan howlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada si loo ciribtiro waxa ay ugu yeertay haraadiga Kooxda Al-shabaab, loona sugo amniga guud ee dalka.

Sidoo kale, dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay saaxiibada caalamka taageerada ay siiyaan hawlgallada amniga iyo dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida dalka.

22 ka Tirsan Al-Shabaab oo Lagu Dilay Hawlgal Ka Dhacay Shabeellaha Hoose