Dr. Suldaan Cabdiqani Qorane Maxamed
“Amni iyo Ammaano Qaran”
Amni • Caddaalad • Dib-u-heshiisiin • Adeeg Bulsho • Barwaaqo • Dib-u-dhis Dawladeed
Muddo ka badan soddon sano, Soomaaliya waxay la daalaa dhacaysay burbur dowladeed, amni darro, dhaqaale xumo, hay’ado jilicsan, iyo niyad-jab siyaasadeed oo soo noqnoqday. Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya weli waa dal leh adkaysi aan caadi ahayn, juqraafi istaraatiiji ah, kheyraad dabiici ah oo hodan ah, iyo shacab mideysan oo wadaaga diin, dhaqan, luqad iyo taariikh. Intii lagu jiray marxaladdii burburka, malaayiin Soomaali ah, aqoonyahanno, dhallinyaro, qoysas iyo ganacsato ayaa dalka ka hijrooday. Dadkaasi ma aysan necbeyn dalkooda, balse waxay ka waayeen waxyaabihii uu dalku ku ahaan lahaa dal iyagoo u qaxeay dalal ay ka heli karaan wixii ay ka waayeen dalkooda: amni, sharaf, caddaalad, fursad iyo dawlad shaqeysa.
Soomaaliya waxay soo martay saddex jamhuuriyadood:
- Jamhuuriyaddii 1aad: 1960–1969
- Jamhuuriyaddii 2aad: 1969–1990
- Jamhuuriyaddii 3aad: oo ka bilaabatay Carta 2000
Jamhuuriyadda saddexaad, in kastoo ay lahayd fursado iyo caqabado is barbar socday, maanta waxay ku sugan tahay xaalad burbur iyo kalsooni darro, kadib markii dalka dib loogu celiyay khilaaf, kala aamin bax, iyo adeegsiga awoodda dawladnimo si loo cabburiyo shacabka. Sidaas darteed, waxaa la oran karaa dawladnimada maanta ka jirta Soomaaliya waxay halis iyo dhibaato ku tahay muwaadinka Soomaaliyeed ee maanta nool, iyadoo ay nasiib darro u god galeen dad badan. Hadaba isbeddelka ay maanta Soomaaliya u baahan tahay ma aha mid shaqsi beddel ah, sida in madaxweyne in lagu bedelo madaxweyne kale, balse waa isbeddel nidaam oo dhammaystiran, oo lama huraan ka dhigaya yagleelidda Jamhuuriyadda Afaraad.
Maanta, Soomaaliya waxay taagan tahay isgoys taariikhi ah oo halistiisa iyo fursadahiisaba ay ku ag yaallaan, kaasoo go’aamin doona mustaqbalka dalka.
HIMILADEYDA QARAN
Soomaaliya madax-bannaan, nabad ah, caddaalad ku dhisan, barwaaqo ah, oo muwaadin kasta ku nool yahay sharaf, hay’aduhuna u adeegaan shacabka.
- HOGGAAMIN, MIDNIMO IYO DIB-U-HABAYN DAWLADEED
Waxaan isu taagaynaa ilaalinta midnimada, madaxbannaanida dad iyo dhuleed ee Soomaaliya, annagoo muwaadinnimada ka hormarineyna qabiilka, maadaama dawladnimadu ay isu taageyso qabashada adeegyada dawladnimo ee muwaadinku xaqa u leeyahay, dawladduna ay noqoneyso midda matasha dhammaan shacabka.
Dastuur iyo Nidaam Dawladeed
Dastuurku waa heshiiska ugu sarreeya ee ummadi ay qorato, kuna dhisato dawladnimadeeda. Si kale haddii looo yiraahdo dastuurku waa laf-dhabarta dawladnimo, gaashaanka xorriyadda, iyo miisaanka caddaaladda ee qeexaya cidda talinaysa, sida loo talinayo, waxa awoodda xaddidaya, xuquuqda shacabka ilaalinaya, Kala caddeynaya awoodaha dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah iyo sida lagu kala baxayo marka la isku khilaafo wixii lagu heshiiyay. Hadaba maadaama doodo badan ay hadheeyeen dastuurka haatan inoo qoran waxaa daruuro dawladnimo ah qorista dastuur cusub oo gudaha dalka lagu diyaariyo, wadar-oggol ah, laguna curiyo cilmi, caqli iyo cudud Soomaaliyeed, kaasoo aan aheyn, noqonna karin farriin ka timid dibedda iyo dalal kale. Dastuurkeennu wuxuu noqonayaa mid ku saleyn diinteenna Islaamka, duruufaheenna khaaska ah iyo danta guud ee ummadda Soomaaliyeed.
Ka Guurista nidaamka 4.5
Ka guurista nidaamka 4.5 waa mid kamid ah ka gudbidda caqabad muddo dheer hor taagneyd ummadda, taasoo ina gaadhsiineysa nidaam qofka lagu qiimeeyo karti, aqoon iyo hufnaan (meritocracy), kuna saleysan tartan furan oo cadaalad ah, loona siman yahay.
Dhallinyara iyo haweenka
Maadaama dal waliba uu wax ku yahay, heerna ku gaaro awoodda dadkiisa, dalka Soomaaliya waa dal dhallinyaro. Dhallinyarada ka sokow waa dal dumarkiisu ay muujiyeen dadaalladii dalku ku badbaaday dal iyo dibad kii ugu mudnaa. Sidaas darteed waxaan xoogga saareynaa in dhallinyarada iyo haweenka dowr muuqda laga siiyo fursadaha jira, iyadoo aan u diyaarineyno shaqo abuur ay ka faa’iideystaan, dalka wax ugu taraan, tahriibta iyo nolosha ay u raadsanayaan dalal aan wax badan ina dhaaminna ay kaga kaaftoomaan.
Hirgelinta doorasho qof iyo cod ah
Dadweynuhu inay doortaan cidda madaxda u noqonaysa waa mid kamid ah himilooyonka ugu sarreeya ee ay higsanayaan dadka Soomaaliyeed, waxayna fure u tahay in dalkeennu yeesho dawladnimo jirrid adag leh. Sidaas aawadeed waxaan dhisaynaa guddiyo doorasho oo madax-bannaan. Waxaan sameyneynaynaa tiro-koob bulsho iyo diiwaan gelin. Waxaan albaabada u fureynaa nidaamka doorashooyinka xisbiyada badan, annagoo ilaalinta xorriyadda siyaasadeed.
- AMNI, CADAALAD IYO KALA DAMBEYN
Qofka Soomaaliga ah wuxuu xaq aasaasi ah u leeyahay inuu dalkiisa ugu dhex noolaado si cabsi la’aan ah. Sidaaas darteed higsiga kowaad ee murashaxu waa: Soomaaliya nabad ah laga bilaabo Raaskaambooni ilaa Lawyacaddo, qofka Soomaaliyeedna uu habeen iyo maalin meeshii uu doono mari karo isagoo naftiisa maalkiisa iyo sharaftiisa aan uga baqayn waxyeello uga timaada qof, qowleysato iyo qabiilo kale midna.
Siyaasaddeenna amnigu waa u dulqaadasho la’aan ( Zero Tolerance) ka dhan ah amni darro kasta nooc ay ahaato iyo cid ay ka timaadaba. Waxaan dib-u-habeyn iyo tayeyn ku sameyneynaa ciidamada qalabka sida, si loo helo amni gude iyo xuduudeed oo la isku halleyn karo. Waxaan xoojinaynaa kartida aqooneed iyo farsamooyinka howlgal ee sirdoonka qaranka, si dhibaatada looga hortago ka hor dhicitaankeeda.
Waxaan si dhab ah ula dagaallameynaa argagixisada iyo dambiyada abaabulan si dalkeennu uusan hoy iyo hadh qabow ugu noqon cadow adduunku uu isku meel uga soo jeedo, xambaarsanna aragti liddi ku ah jiritaankeenna, anngoo dhisayna nidaam amni oo bulshada u shaqeeya, ilaaliya, isna hor taaga cadow walba oo duullaan ku ah amniga iyo danaha qaranka Soomaaliyeed.
Caddaalad iyo Garsoor
Caddaaladdu waa tiirka ugu weyn ee dawladnimo, sidaas aawadeed waxaa la dhisi doonaa garsoor madax-bannaan oo xor ka ah faragelin siyaasadeed, si sharcigu ugu sarreeyo qof kasta iyo hay’ad kasta. Waxaa la hirgelin doonaa maxkamad dastuuri ah oo ilaalisa dastuurka, kala saarta khilaafaadka awoodaha dowladda, dammaanadna ka qaadda in nidaamku ku socdo xeer iyo sharci. Caddaaladdu waxay ahaan doontaa mid loo siman yahay masuul iyo laga masuul labadaba, si aan qofna uga sarreyn sharciga.
La Dagaallanka Musuqmaasuqa
Musuqmaasuqa waxaa lala geli doonaa dagaal aan leexleexad lahayn. Qofna looma oggolaan doono inuu ku takri falo hantida ummadda ama uu musuqi sameeyo kadibna ka baxsado cadaaladda. Waxaa la dhisi doonaa hanti-dhawr madax-bannaan oo si joogto ah ula socda maamulka maaliyadda dalka, waxaana la hirgelin doonaa daah-furnaan maaliyadeed oo shacabka u caddeyneysa sida loo ururiyo, loo maareeyo, loona kharash gareeyo dhaqaalaha qaranka.
- DIB-U-HESHIISIIN QARAN
Dib-u-heshiisiin qaran waa furaha nabadda waarta iyo dawladnimo sugan. Dadka Soomaaliyeed si Rabbaani ah ayay heshiis u yihiin, maadaama ay wadaagaan dhiig, dhalasho, dhaqan, diin, luqad iyo taariikh intaba. Hase yeeshee, weli si buuxda loogama heshiin wixii dhex maray, dhaawacyadii la is gaarsiiyay, iyo dhibaatooyinkii kala gaaray bulshada Soomaaliyeed. Sidoo kale, weli lama gaarin heshiis qaran oo dhab ah oo ku saabsan qaabka dawladnimada iyo sida awoodda dalka loo maareynayo.
Sidaas darteed, waxaa la qaban doonaa shir dib-u-heshiisiin qaran oo loo dhan yahay, kaasoo lagu daweynayo boogihii hore laguna dhisayo kalsooni cusub. Waxaa la sameyn doonaa maxkamado gaar ah oo lagu kala xaq baxo, si xaqiiqooyinka loo iftiimiyo, dulmigii dhacayna loogu helo xal sharci iyo caddaalad ku dhisan. Waxaa la hirgelin doonaa hannaan xaq-soor, magdhow iyo isa-samaxaad isku dhafan, si loo bogsiiyo dhaawacyada bulshada loogana gudbo xusuusaha colaadeed.
Dib-u-heshiisiintu kuma ekaan doonto xalinta wixii dhacay oo keliya, balse waxay gaari doontaa in Soomaali ay ka heshiiso dawladnimada lafteeda, ujeeddadeeda, qaabkeeda, iyo cidda ay u adeegayso. Waxaa sidoo kale la xaqiijin doonaa in si siman loogu wada sinnaado xilalka, xoolaha iyo xurmada dawladnimo, si qof walba u dareemo inuu qayb ka yahay qaranka, kana leeyahay sharaf iyo saamiga uu mudan yahay.
- DHAQAALE IYO HORUMAR QARAN
Dhaqaalaha iyo horumarka qaranku waxay saldhig u yihiin xasilloonida iyo mustaqbalka dalka. Sidaas darteed waxaa mudnaan gaar ah la siin doonaa taageeridda ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe, maadaama ay yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha gudaha iyo ilaha ugu weyn ee shaqo-abuurka. Waxaa la abuuri doonaa fursado shaqo oo ballaaran oo loogu talagalay dhallinyarada, si awooddooda iyo hibadooda loogu leexiyo wax-soo-saar iyo dhisidda qaranka. Sidoo kale, waxaa la dejin doonaa jawi ammaan iyo kalsooni leh oo soo jiita maalgashiga gudaha iyo kan dibaddaba, si dalka loogu soo jiido caasimad, farsamo iyo fursado cusub.
Soo Saarista Lacag Qaran
Si looga baxo ku tiirsanaanta lacagaha shisheeye ee saameynta ku yeeshay dhaqaalaha dalka, waxaan soo saari doonnaa lacag Soomaaliyeed oo rasmi ah, laguna dhisi doono kalsooni, sharciyad iyo nidaam maaliyadeed oo sugan. Lacag qaran oo shaqeysa waxay astaan u tahay madax-bannaanida dhaqaale, xoojinta suuqyada gudaha, iyo dib u soo celinta sumcadda qaranka.
Kheyraadka Dalka
Kheyraadka dalku waa hanti qaran oo ka dhexaysa dhammaan dadka Soomaaliyeed, waana nimco iyo amaano ay si wadajir ah u leeyihiin. Sidaas darteed, khayraadka dabiiciga ah ee ku jira badda iyo berriga, kana kooban macdan, shidaal, gaas iyo ilaha tamarta kala duwan, waxaa looga faa’iideyn doonaa si caddaalad ah, hufan, oo dan u ah shacabka oo dhan, kana fog ku takri-fal, eex iyo in kooxo gaar ahi keli ku noqdaan.
Maareynta khayraadka waxaa lagu dhisi doonaa sharci cad, isla xisaabtan, iyo qorshe qaran oo xaqiijiya in dakhliga ka soo baxa uu dib ugu laabto horumarinta bulshada, kaabeyaasha dhaqaalaha, adeegyada aas-aasiga ah, iyo jiilasha mustaqbalka.
Si gaar ah, xoogga waxaa la saari doonaa kalluumeysiga, maadaama Soomaaliya leedahay xeebta ugu dheer qaaradda Afrika iyo fursado ballaaran oo dhaqaale. Waxaa la horumarin doonaa beeraha si loo xaqiijiyo isku filnaansho cunto iyo dakhli beeraleyda soo gala. Xoolaha oo laf-dhabar u ah dhaqaalaha Soomaaliyeed waxaa lagu xoojin doonaa caafimaad, suuqyo iyo dhoofin casri ah. Sidoo kale, dekedaha dalka waxaa loo beddeli doonaa albaabyo ganacsi iyo koboc dhaqaale oo Soomaaliya ka dhigaya xarun isku xirta gobolka iyo dunida inteeda kale.
- ADEEG BULSHO IYO HORUMAR AADANE
Adeeg bulsho iyo horumar aadane waa nuxurka dawladnimo dhab ah, maxaa yeelay dawladnimadu waa ammaano, waa adeeg, waana isla xisaabtan. Marka saddexdaas tiir la waayo, waxaa meesha ka baxaya macnihii ay dawladdu ku ahayd dawlad. Sidaas darteed, mudnaanta koowaad waxaa la siin doonaa dhismaha adeegyo taabanaya nolosha maalinlaha ah ee shacabka.
Waxbarasho
Waxaa la hirgelin doonaa waxbarasho lacag la’aan ah oo furan carruurta Soomaaliyeed oo dhan, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo in boqolkiiba boqol carruurta ku jirta da’da waxbarashada waajibka ah ee dugsiga hoose iyo dhexe ay galaan iskuul. Waxaa sidoo kale la qorsheyn doonaa cunto ay ardaydu helaan inta ay waxbarashada ku jiraan, si waxbarashadu u noqoto fursad ay carruurtu ku sii joogaan dugsiga, halkii ay uga hari lahaayeen baahi darteed. Waxaa intaas dheer in waxbarashada la ballaadhin doono, lana hirgelin doono waxbarashada dadka waaweyn si looga gudbo caqabadda aqoon la’aanta, isla markaana la hirgelin doono civic education si bulshada loogu kobciyo fahamka muwaadinnimada, waajibaadka iyo xuquuqda.
Caafimaad
Maamul kasta waxaa laga hirgelin doonaa ugu yaraan hal isbitaal oo referral ah, iyadoo la tayeyn doono xarumaha caafimaad ee haatanba ka furan, iyadoo si gaar ah xoogga loo saari doono xarumo u gaar ah hooyada iyo dhallaanka, si shacabka loogu helo adeeg caafimaad oo tayo leh. Adeegga caafimaadka waxaa la gaarsiin doonaa dalka oo dhan, waxaana la yareyn doonaa baahida dadka ku khasbaysa inay dibedda u aadaan daaweyn ay xaq u lahaayeen inay dalkooda ka helaan.
Biyo
Biyaha oo ah nolosha aas-aaskeeda, waxaa la xaqiijin doonaa in dadka iyo duunyaduba si siman u helaan biyo meel kasta oo ay dalka ka joogaan. Waxaa la qodi doonaa ceelal, waxaa la dhisi doonaa biyo-xireenno, waxaana la abuuri doonaa kayd biyood waara oo looga gaashaanto abaarta iyo biyo la’aanta xilliyada adag.
Daryeelka Bulshada (Social Welfare & Inclusion)
Daryeelka bulshada waa tiir muhiim u ah dhismaha bulsho cadaalad, naxariis iyo wadajir ku dhisan. Waa mas’uuliyad ka wada saaran dowlad, hay’ado iyo bulshada inteeda kale in la xaqiijiyo in qof kasta helo daryeel, fursad iyo ilaalin ku habboon karaamadiisa iyo baahiyihiisa. Sidaas darteed, waxaan xoogga saareynaa daryeel ballaaran oo taabanaya qaybaha ugu nugul bulshada, anagoo u marayna siyaasad isku dhafan oo wax ku ool ah.
Daryeelka bulshada ma aha sadaqo ku meel gaar ah, balse waa maalgashi waara oo lagu dhisayo bulsho isku duuban, caddaalad leh oo horumar leh. Marka la daryeelo kuwa ugu nugul, waxaa xoogeysanaya dhammaan bulshada, waxaana la abuuraa mustaqbal ay wadaagaan sinnaan, karaamo iyo fursado loo siman yahay.
Daryeelka Dadka Qaba Baahiyaha Gaarka ah
Daryeelka bulshada, gaar ahaan dadka nugul iyo kuwa baahiyaha gaarka ah qaba, waa tiir muhiim u ah dawladnimo cadaalad iyo naxariis ku dhisan. Sidaas darteed, waxaan si gaar ah diiradda u saareynaa daryeelka dadka qaba baahiyaha gaarka ah, annagoo hubinayna in ay helaan adeegyo caafimaad oo joogto ah iyo qalab u fududeeya noloshooda maalinlaha ah. Waxaa la xaqiijin doonaa in ay helaan waxbarasho tayo leh oo la jaanqaadaysa baahidooda, isla markaana lagu daro nidaam waxbarasho oo loo dhan yahay (inclusive education). Waxaa sidoo kale la kobcin doonaa xirfadaha iyo awooddooda si ay u noqdaan kuwo isku filan, iyadoo loo abuurayo fursado shaqo oo sharaf leh, laguna dhiirrigelinayo loo-shaqeeyayaasha inay qaataan. Dhanka kale, waxaa la dhisi doonaa kaabayaal u fududeeya dhaqdhaqaaqooda iyo ka qaybgalka ay bulshada ku leeyihiin.
Daryeelka Dadka La Nool Xanuunnada Halista ah
Daryeelka dadka la nool xanuunnada halista ah wuxuu noqon doonaa mid mudnaan gaar ah leh, iyadoo la hubinayo helitaanka daaweyn joogto ah, dawooyin iyo adeegyo caafimaad oo la awoodi karo. Waxaa la siin doonaa taageero nafsiyeed si ay ula tacaalaan culayska xanuunka, waxaana la hirgelin doonaa barnaamijyo wacyigelin iyo ka hortag ah oo yareeya fididda cudurrada faafa. Sidoo kale, waxaa la bixin doonaa taageero dhaqaale iyo mid bulsho si dadkaasi aysan u noqon kuwo la takooro ama la dayaco.
Taakuleynta Dadka Dhaqaale ahaan Aad u Nugul
Dadka dhaqaale ahaan aadka u nugul waxaa loo sameyn doonaa barnaamijyo gargaar degdeg ah oo ay ka mid yihiin cunto, biyo nadiif ah iyo hoy, si loo daboolo baahiyahooda aasaasiga ah. Isla mar ahaantaana, waxaa la kobcin doonaa fursadaha dhaqaale ee ay kaga bixi karaan xaaladda adag, sida maalgelin yar-yar (microfinance) iyo tababaro xirfadeed. Waxaa la dhisi doonaa nidaamyo badbaado bulsho (social safety nets) si looga hortago faqriga joogtada ah, iyadoo si gaar ah loo daryeeli doono carruurta iyo haweenka nugul.
Daryeelka Barakacayaasha Gudaha (IDPs)
Barakacayaasha gudaha (IDPs) waxaa la siin doonaa hoy ku-meelgaar ah oo ammaan iyo sharaf leh, iyadoo la hubinayo inay helaan biyo nadiif ah, cunto, adeegyo caafimaad iyo waxbarasho. Waxaa la diyaarin doonaa qorshayaal dib-u-dejin iyo dib-u-dhis nololeed oo ka caawinaya inay ka baxaan xaaladda barakacnimada, iyadoo loo abuurayo fursado shaqo iyo barnaamijyo lagu xoojinayo isku dhexgalka bulshada.
Daryeelka Carruurta iyo Dhallinyarada Nugul
Carruurta iyo dhallinyarada nugul waxaa la siin doonaa ilaalin gaar ah, gaar ahaan kuwa ka maqan daryeelka waalidka ama ku jira xaalado halis ah. Waxaa la hubin doonaa inay helaan waxbarasho, nafaqo iyo barbaarin ku dhisan qiyam iyo xirfad, iyadoo si adag looga hortagayo shaqada carruurta iyo ka faa’iidaysigooda. Dhallinyarada waxaa loo diyaarin doonaa barnaamijyo kobcinaya kartidooda isla markaana ka fogeynaya khataraha sida xagjirnimada iyo falalka dambiyada.
Daryeelka Waayeelka
Waayeelka bulshada ayaa iyaguna heli doona daryeel caafimaad iyo nololeed oo joogto ah, iyadoo la ilaalinayo karaamadooda, lana qiimeynayo khibradooda. Waxaa la siin doonaa taageero dhaqaale iyo mid nafsiyeed si ay ugu noolaadaan nolol sharaf leh.
Nidaamyo Joogto ah oo Daryeel Bulsho
Guud ahaan, waxaa la dhisi doonaa nidaamyo joogto ah oo daryeel bulsho, kuwaas oo ku saleysan siyaasado iyo sharciyo dammaanad qaadaya xuquuqda dadka nugul. Waxaa la xoojin doonaa wada shaqeynta hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah si loo ballaariyo adeegyada, iyadoo la sameynayo kormeer iyo qiimeyn joogto ah si loo hubiyo in adeegyadu gaaraan cidda u baahan. Sidoo kale, waxaa la dhiirrigelin doonaa bulshada inay ka qayb qaadato is-taageeridda iyo is-gargaarka, si loo dhiso bulsho isku duuban oo isu naxariisata, isla markaana wadajir u horumarisa nolosha guud ee dalka.
Adeegyada Kale
Adeegyada kale ee aas-aasiga ah sida caddaaladda, waddooyinka, korontada, nadaafadda, tiro-koobka iyo diiwaan gelinta shacabka, adeegyada dijitaalka ah, iyo gurmadka degdegga ah ayaa la xoojin doonaa si muwaadinku u dareemo in dawladdu jirto oo u adeegayso.
- SIYAASADDA DIBADDA
Dhanka siyaasadda dibadda, Soomaaliya waxay yeelan doontaa siyaasad ku dhisan in danaha qaranka ay ka horreeyaan dan kasta oo kale. Waxaa la dhisi doonaa xiriirro istaraatiiji ah oo faa’iido u leh dalka, iyadoo la ilaalinayo sharafka iyo madax-bannaanida qaranka, lana xaqiijinayo in Soomaaliya yeelato cod xooggan oo laga maqlo fagaarayaasha caalamka.
Gabagabadii, Murashax Madaxweyne Dr. Suldaan Cabdiqani Qorane Maxamed iyo aragtidiisa “Amni iyo Ammaano Qaran” waxay soo bandhigayaan jid cusub oo Soomaaliya ka saari kara fashilka hoggaamineed ee ragaadiyay, horseedina kara dawladnimo dhab ah oo si daacadnimo ah loo hirgeliyo, kana taabbagasha guud ahaan geyiga Soomaaliyeed, taasoo saldhiggeedu yahay horumar iyo cadaalad, si Soomaaliya ay noqoto meel lagu noolaan karo.
Isbeddelka maanta loo baahan yahay waa mid nidaam, waa mid qaran, waana mid taariikhi ah.
Su’aasha taagan waa: Ma noqon doonaa hoggaamiyihii Soomaaliya u horseedi lahaa xasillooni iyo dowladnimo dhab ah?













