Sarkaal ka tirsan ciidanka Daraawiishta Puntland oo lagu magacaabo Gaashaanle Cabdiraxmaan Cabirisaaq Wayrax ayaa loo taxaabay xabsiga magaalada Garowe.
Sarkaalkan ayaa maalmo kahor warbaahinta ka sheegay cabashooyin la xiriiray mushaar la’aan iyo xaalado dayac caafimaad ah oo uu sheegay inay wajahayaan saraakiisha iyo ciidamada Daraawiishta Puntland ee ku sugan xerada 54-aad ee Garowe.
Wuxuu sidoo kale sheegay in saraakiil ka tirsan ciidamada Daraawiishta ay dhawaan ugu geeriyoodeen Garowe xaalado caafimaad darro, kaddib markii sida uu sheegay laga saaray isbitaallada sababo la xiriira dhaqaale xumo iyo awood la’aan ay ku bixiyaan qarashaadka caafimaadka.
Gaashaanle Wayrax ayaa intaas ku daray in in qaar kamid ah ciidamada Daraawiishta Puntland aysan wax mushaar ah qaadan 24 bilood, arrintaas oo uu sheegay inay saameyn weyn ku yeelatay xaaladda nololeed iyo caafimaad ee ciidamada.
Qoyskiisa ayaa u sheegay HOL in shalay barqadii looga yeeray taliska xerada 54-aad, isla markaana markii uu halkaas gaaray lagu wargeliyay inuu xiran yahay. Waxay intaas ku dareen in lagu xiray xabsi ku dhex yaalla xerada 54aad.
Saraakiil ku dhow sarkaalka la xiray ayaa u sheegay HOL in xarigiisa laga soo amray madaxtooyada Puntland, inkastoo aysan jirin wax war ah oo rasmi ah oo ay arrintan kasoo saareen laamaha ammaanka.
Xarigga sarkaalkan ayaa imanaya xilli ay isa soo tarayaan cabashooyinka la xiriira mushaar la’aan iyo xaaladaha nololeed ee qaar kamid ah ciidamada Puntland.





