Turkiga iyo Soomaaliya oo Magaalada Ankara uga Wada Hadlay Dib u Dhiska iyo Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha.

0
8

Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Turkiga ayaa sheegay in ay sii xoojinayaan iskaashiga dhinacyada dib-u-dhiska iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, kaddib kulan ka dhacay magaalada Ankara oo ay yeesheen Wasiirka Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Soomaaliya, Ayuub Yuusuf Ismaaciil iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Dhismaha Turkiga, Abdulkadir Uraloglu.

Kulanka oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Gaadiidka iyo Dhismaha Turkiga ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin iyo lataliyeyaal ka socday labada dhinac, iyadoo diiradda lagu saaray ballaarinta wada shaqeynta ku saabsan dib-u-dhiska Soomaaliya, dhismaha waddooyinka, qorsheynta magaalooyinka, guriyeynta casriga ah iyo tayeynta dhismayaasha.

Wasiirka Turkiga, Cabdulkadir Uraloglu, ayaa sheegay in Ankara ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan mashaariicda horumarinta iyo kaabeyaasha dhaqaalaha, isagoo si diirran u soo dhaweeyay wafdiga ka socday Muqdisho.

Dhankiisa, Wasiirka Hawlaha Guud ee Soomaaliya, Ayuub Yuusuf Ismaaciil, ayaa xusay in Soomaaliya ay muhiimad weyn siinayso khibradda iyo farsamada horumarsan ee Turkiga, gaar ahaan dhinacyada injineernimada iyo maamulka mashaariicda waaweyn.

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay doonayso in injineerada iyo shaqaalaha wasaaraddu ay ka faa’iideystaan tababarrada iyo aqoonta ay leeyihiin khubarada Turkiga, si loo dardargeliyo howlaha dib-u-dhiska dalka.

Kulanka kadib, Wasiir Ayuub ayaa booqday xarumo hoostaga Wasaaradda Gaadiidka iyo Dhismaha Turkiga, halkaas oo uu kula kulmay Agaasimaha Hay’adda Waddooyinka Turkiga, oo warbixin ka siiyay mashaariicda waaweyn ee ay hay’addu gacanta ku hayso.

Wasiirka ayaa sidoo kale kormeeray waddooyin lagu hirgeliyay nidaamka iskaashiga dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay ee loo yaqaan PPP, kaas oo shirkado gaar loo leeyahay ay ku maalgelinayaan dhismaha waddooyinka, iyadoo lacagaha isticmaalka lagu qaado nidaam elektaroonik ah.

Labada dhinac ayaa ugu dambeyn ku heshiiyay in la sameeyo guddi farsamo oo wadajir ah, kaas oo ka shaqeyn doona horumarinta wada shaqeynta labada wasaaradood iyo dardargelinta mashaariicda iskaashiga mustaqbalka.