Ururada Bulshada Rayidka oo ku Baaqay illaalinta Nabadda iyo Xallinta Khilaafaadka Siyaasadeed.

0
2

Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed (SONSA) ayaa walaac weyn ka muujiyey xaaladda ka dhalatay bannaanbaxyada ay ku baaqeen madaxda Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kuwaas oo salka ku haya khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Warsaxaafadeed ay soo saareen ayay ku sheegeen in bannaanbaxyada siyaasadeed ay yihiin xuquuq dastuuri ah oo muwaadiniintu ku cabbiri karaan aragtidooda, cabashooyinkooda iyo mowqifyadooda si nabad ah, isla markaana waafaqsan sharciga.

Sidoo kale, ururku wuxuu si adag ugu baaqay ciidamada amniga inay dhexdhexaad ka ahaadaan arrimaha siyaasadda, kana fogaadaan inay qayb ka noqdaan abaabulka, dhiirrigelinta ama carqaladaynta bannaanbaxyada.

Waxa ay xuseen in ciidamada amniga ay waajib ku tahay ilaalinta amniga iyo badbaadada shacabka.

Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale ugu baaqay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed inay muujiyaan masuuliyad, biseyl siyaasadeed iyo dareen waddaniyadeed si loo xalliyo khilaafaadka jira iyada oo loo marayo wadahadal, lagana fogaado xaalado sababi kara barakac, dhaawac, dhimasho ama xaalado amni darro oo saameeya shacabka Soomaaliyeed.

Gabagabadii, SONSA ayaa sheegtay inay maalmihii la soo dhaafay waday dadaallo isku dhowaanshiyo ah labada dhinac, waxayna ugu baaqday waxgaradka, odayaasha dhaqanka, culimada, haweenka, dhallinyarada iyo beesha caalamka inay taageeraan dadaallada dib loogu bilaabayo wadahadallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, si loo gaaro xal nabadeed oo lagu ilaaliyo xasilloonida iyo midnimada dalka.

Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed oo Ku Baaqay Xallinta Khilaafaadka Siyaasadeed iyo Ilaalinta Nabadda