Ergayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ahna Madaxa Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), El Hadji Ibrahima Diene, ayaa maanta xarunta AUSSOM ee Muqdisho ku qaabilay Safiirka Masar u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Salaax Keshtah.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Soomaaliya, isbeddellada ka socda gobolka iyo muhiimadda ay leedahay sii wadidda iskaashiga iyo dadaallada wadajirka ah ee lagu taageerayo nabadda, amniga, xasilloonida iyo dhismaha hay’adaha dowladda.
Madaxa AUSSOM ayaa uga mahadceliyay dowladda Masar taageerada ay muddada dheer siineysay Soomaaliya, isaga oo adkeeyay in howlgalka Midowga Afrika uu ka go’an yahay inuu si dhow ula shaqeeyo dhammaan saaxiibbada caalamiga ah si loo hirgeliyo waajibaadka loo igmaday.
Dhankiisa, Safiirka Masar ayaa dib u xaqiijiyay taageerada dalkiisu u hayo dadaallada lagu fulinayo qorshayaasha AUSSOM, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay iskaashiga gobolka iyo kan caalamiga ah ee lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.
Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayso caqabado amni iyo siyaasadeed oo isbiirsaday, iyadoo beesha caalamka iyo dalalka gobolka ay sii wadaan dadaallada lagu taageerayo geeddi-socodka nabadda iyo dib u dhiska hay’adaha dowladda.













