Xuutiyiinta Yemen oo ka Digay Joogi taanka Israaíil ee Maamulka Gobolada Waqooti Galbeed Soomaaliya.

0
8

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Xuutiyiinta ee ka taliya qaybo ka mid ah Yemen ayaa ka digay waxa uu ku tilmaamay joogitaan Israa’iili ah oo ka jira Somaliland, isaga oo sheegay in arrintaasi ay khatar ku tahay ammaanka Yemen iyo gobolka.

Warbaahinta xiriirka la leh Xuutiyiinta ayaa sheegtay in Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Xuutiyiinta, Cali Xamuud Al-Mushki, hadalkaas jeediyay xilli uu la kulmay la-taliyaha milatariga ee ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Yemen.

Sida lagu daabacay warbixinta wakaalada Saba ay maamusho Xuutiyiinta, Al-Mushki wuxuu sheegay in saldhig ama joogitaan milatari oo Israa’iil ku yeelato Somaliland uu horseedi karo xiisado hor leh isla markaana saameyn ku yeelan karo amniga marin-biyoodka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Ilaa hadda ma jiraan caddeymo madax-bannaan oo xaqiijinaya jiritaanka saldhig ama ciidamo Israa’iili ah oo ku sugan Somaliland, mana jirto wax war rasmi ah oo ay arrintan ka soo saareen Somaliland ama Israa’iil.

Shalay waxaa soo baxay warar ay warbaahin maxali ah tebiyeen oo sheegaya in Israa’iil ay ciidamo asal ahaan kasoo jeeda Afrika usoo dirtay Somaliland.