Golaha Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanka Puntland ayaa war-murtiyeed ay soo saareen ku muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Puntland, iyagoo ku baaqay in la ilaaliyo dowladnimada, nabadda iyo horumarka bulshada.
Bayaan ay goluhu soo saareen Talaadadii ayay ku sheegeen in Puntland ay wajahaysay caqabado siyaasadeed iyo kuwo amni, kuwaas oo ay ku eedeeyeen maamulka Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni inuu qayb ka yahay.
Goluhu wuxuu ku dhaliilay Madaxweynaha Puntland inuu ku takrifalay awoodda dowladnimada, isagoo sheegay in tallaabooyinka uu qaaday ay saameyn ku yeesheen amniga iyo xasilloonida deegaannada Puntland.
Sidoo kale, bayaanka ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Deni lagu eedeeyay inuu ka leexday dastuurka iyo qawaaniinta Puntland, isla markaana uu wax ka beddelay hab-raacyadii sharci ee jiray, iyadoo goluhu ku dooday in arrimahaasi dhaawaceen hannaanka dimuqraadiyadeed iyo kalsoonida shacabka.
Golaha Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanka Puntland ayaa sidoo kale cambaareeyay waxa ay ku tilmaameen faragelin ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku hayso arrimaha Puntland, iyagoo sheegay in tallaabooyinkaasi ay sii hurin karaan khilaafaadka siyaasadeed iyo amni ee ka jira deegaannada Puntland.
War-murtiyeedka ayaa sidoo kale lagu cambaareeyay weerar lagu qaaday wariye Dr. Maxamuud Mashruuc oo ka dhacay magaalada Garoowe, iyadoo goluhu ugu baaqay hay’adaha amniga inay baaritaan dhab ah ku sameeyaan dhacdadaas, isla markaana cadaaladda la horkeeno cid kasta oo ku lug leh.
Goluhu wuxuu ugu baaqay shacabka Puntland inay ilaashadaan nabadda, midnimada iyo wadajirka bulshada, kana fogaadaan falalka hurin kara colaadaha iyo kala qaybsanaanta.
Dhanka kale, Isimada Puntland iyo waxgaradka bulshada ayaa loogu baaqay inay sii xoojiyaan doorkooda ku aaddan ilaalinta xasilloonida, dib-u-heshiisiinta iyo difaaca nidaamka dowladnimo ee Puntland.
Bayaanka ayaa ku soo dhammaaday baaq ku wajahan dhammaan dhinacyada siyaasadda Puntland inay mudnaanta siiyaan wada-hadalka, sharciga iyo danta guud si looga hortago xiisado hor leh oo saameeya amniga iyo horumarka Puntland.





